|
|||||
WAJAALE NEWS
Malafahmay in Uu Ka Dabmeeyo Axmed Siiranyo Iyo Xukuumadiisu, Sobobta keentay Tahriibka Dhalilinyarada Markaad Eegto Hab Dhaqankiisa Maamul?
April 22, 2016 - Written by Editor:marka hore waa tahriibka oo la hadal hayo manta (1) Hadii agaaseme waa xeed lamagacaabayo waxa la odhanayaa matahay qurbo jog ama mahaysataa basaaboor ajanabi (2) Hadii shaqo labixinaayo waxa lawaydiinayaa inankii kabaxay jaamacadaha dalka mahaysataa shahaado dibadeed (3) Marka xaflada iyo shirarka laqabanyo waxa lagu gaar yeelaa qurba joogta oo uu buunbuuniyaa Axmed siiraanyo (4) Waxa xafiiyo loo furaa qorba joogta oo magic kuleh xukuumada Axmed siiraanyo (5) Waxa lasiiyaa dhulka danta guud ah badi qurbajoogta oo lagu maamuuso (6) Waxa ay xukuumada siiraanyo waftiyo ugu tagaan qurbajoogta Hadaba madaxda manta wax lamoodayaa waa kuwan aad moodo meesha ay daganyihiiN in ay qoxooti kujoogan ee Malaga yaaba in ay somaliland wax uqabtaan taasi waa maya. Dagmadda ibraahim kood buur waxa dagan madaxda xisbiga kulmiye sida muuse biixi cabdi iyo qaarkaloo badan waxakaloo daganaa madaxwaynaha Axmed siiranyo sidoo kale waxa dagan hada madaxwayne kuxigeenka c/raxman saylici sidoo kale waxa dagan gudoomiyaha guurtida sidoo kale waxa dagan gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada sidoo kale wa dagan gudoomiyaha maxkamada sare sido kale waxa dagan maayirka caasimadda c/raxman sotelko sidoo kale waxa dagan maareeyaha wakaalada biyaha Hada waxa fiicnaan lahayd in uu ka muuqdo dareenka waxqabadka dawladu haka ay kasoo toosayan haday wado tahay iyo haday biyo tahay iyo haday cadaalad tahay iyo hada arimo bulsho tahay oo ah nin feedhay shaqatag Nasiib daro waxanay kaga jirtaa kalinta ugu saraysa cashuur bixita sideeda dagmo sidoo kale waxay ahayd goobihihii codka ugu badan siiyay xisbiga kulmiye xiligii doorashadii madaxwaynaha axme siiraanyo Nasiib daro waxay kaga jiraa sideeda dagmo dhanka adeega Bulshada iyo adeega danta guud siiroo waxba la aan ay cidladu dhaanto 1 Tusaale: malaha sariimado oo waxay kujirtaa sedex sariimadood oo kira ah oo ay sheer ku leeyihiin golaha degaanku 2 Malaha garoomo ciyaalku ku ciyaaran oo waxay tagan garoomo kira ah inta haysata inta kalana waxay noqdeen gaangis isku dhexlaaya xaafada dhexdooda 3 Malaha goobo caafimad marka laga reebo afarta qol ee loogu tala galay dhalinta ama xarunta agoomaha oo iyaba iska dayacan oon waxba katarikarin baahida caafimaad ee waaxda koodbuur 4 Malaha rugo booliis oo suga Amanka xaafadda Sida xaaji faarax+guul allah +gantaala+buurta kala jeexan marka laga reebo saldhiga ibraahim koodbuur oo ah ka ugu tacadiga badan ee kajira somaliland ood ku arkayso todobatan qof oo kuxidhan iyaga oo ah mudo dhaaf ah oon lakeenin keeskii lagu soo eedeeyay oon ayna soo gaadhin dadaalka Aadan xaaji cali wali 5 sidoo kale malaha xaafadahani basas gaadha oo dad u raaco magaalada 6 Malaha wadooyin ay usamaysay xukuumadan kulmiye waaxda koodbuur marka laga reebo afarta kiilomitir oo ay dadku bixiyeen boqolkiiba shan iyo todobaatan oo kala ah laba kiiloo mitir ee istanka basaska ilaa buurta Gaandi Iyo labadan kiiloo mitir ee dalcada jigjiga yar ee boodhka san shayn ilaa albaabka xafiiska xarunta xisbiga kulmiye waxase layaab leh in labadii boqol ee mitir ee udhaxaysay xarunta kulmiye iyo laamida oo loogu talagalay in uu sameeyo xisbul xaakimka iyo xukuumadiisu ay sidii tahay hadana ay ku faanaan waxbaanu qabanay hadh iyo habeenba 7 Sidoo kale wadada boqol iyo kontonka oo uu hore ubaneeyay mayir jiciir magaalada inteeda kale oo uu ka soo gaadhay kaliya xaafada koodbuur oo uu gacanta ku hayay xil kadagistii wali waa sidii waana halkuu maro mayirku haben iyo maalinba oo aqalkiisu kuyaalo 8 Sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xidha dalka min laascaanood ilaa boorama waa lasoo dayactiraa waxa laga hadhaa oon wax laga qaban inta udhaxaysa kaalinta indha birta ilaa buurta kala jeexan oo ah inta ku beegan Dagmada koodbuur 9 Sidoo kale malaha wax dugsi hoose dhexe ah marka laga reebo 17may iyo ganad oo iska dayacan oon kahelin haba yaraatee wax kaalma ah iyo ka warhayn xukuumadan kulmiye oo aadna uga fog xaafaddaha xaaji faarax iyo buurta kala jeexan iyo guul allah iyo gantaalaha 10 sidoo kale malaha wax dugsi sare ah marka laga reebo gandi oo aad uliita markaad eegto maamulka iyo macalimiinta 11 Sidoo kale xafiiska dawlada hoose ee waaxda kood buur waxaad moodaa meel gudaafad ah oo waa ka ugu foolxun xafiisyada sideeda waaxood ee hargaysa 12 Sidookale dhanka nadaafadda waxay kaga jirtaa sideeda dagmo ta uliidata maxaa yeelay majiran wax gaadiid ah oo xashiishka gura marka laga reebo shirkad barayfad ah oo lacag ka qaadda dadka oon kufilayn baahida faya dharka dagmada ood arkayso in uu buuxo xashiish meelkasta oo marto 13 Sidookale waxa jira xaafado badan oo kamid ah koodbuur sida xaaji faarax xafada irshad ilaa ina jambiir iyo mansoor oo biyaha wakaaladda cabijiray sideedii sano ee ay dalka xukumaysay xukuumaddii daahir riyaale oon helin litir biyaha shan sano iyo badh ee uu kulmiye dalka xukumayay 14 waxase kasii daran maareeyaha wakaalada biyaha oo kula heshiiyay booyadaha biyaha dhaamiya in ay kasiiyaan foostada biyaha ah laba iyo toban kun oo shilin dagmada kood buur oo uu daganyahay laftiisu halka uu yidhi halaga siiyo dagmooyika kalana sagaal kun oo shilin Hamoy bae maxaa gaadhay koodbuur oo ah kuwii lahaa haduu soo kabado iyo kun hadaanu hayn hana wada gudee kulmiyaanu nahay Manta waxba uma yaalan gabilay+kood buur+Farawayne+alaybaday haday Caqlileeyihiin ee haka tashadaan aayahooda oo hala is barto kulmiye oonku khasaarnay.
Qalinkii; Mujaahid C/laahi Xusen (daqare)Tell 4425012
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|