Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Hor Intii Aanu Waftigiisu Ka soo Kicitimin Magaalada Gabilay Loo sii Xidhay Isgoysyada Magaalada Hargaisa +Ardayda, Shaqaalaha iyo Daweynaha Oo Xanibnaa Mudo Saacado ah+sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Hor Intii Aanu Waftigiisu Ka soo Kicitimin Magaalada Gabilay Loo sii Xidhay Isgoysyada Magaalada Hargaisa +Ardayda, Shaqaalaha iyo Daweynaha Oo Xanibnaa Mudo Saacado ah+sawiro
April 5, 2016 - Written by Editor:

Wadooyinka halbawalaha u ah caasimada Magaalada Hargaisa  ayaa abaaro maanta 12:45 pm(kowdii oo rubuc la) xanibnaa ka dib markii ciidan tiro badan la dhigay isgoysyada iyo marinada halbawlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha taasi ayaa keentay in ay xanibmaan dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaisa dabcan saacadan oo ahayd saacadaha ay rawaxaan shaqaalaha iyo ardayda aada goobaha waxbarashada.

ASKARTA IYO 22

 

ASKARTA IYO SHACABKA 1

Dhacdadan ayaa ka danbaysay ka dib markii wafti uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo ay ka soo kicitimeen magaalada Gabilay Taas Oo sida la sheegay amar lagu siiyay hogaanada ciidamada booliska in ay sii xidhaan dhamaan is goysyada magaalada Hargaisa gaar ahaan kuwa galbeedka Magaalada.

Saacadahan oo ku beegnaa xiliyada laga soo dareero iskuulaadka iyo goobaha shaqada oo xanibaad saacado ah la kulmay ayaa fajiciso ku noqotay dadweynaha ku dhaqan caasimada oo si wayn u hadal hayay.

Madaxweyne Silaanyo ayaa xiligii uu ololaha xisbiga Kulmiye  ku jiray inta badan ku dhaliili jiray madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin in uu ciidan badan iyo qafqaf badan ku dhex maro suuqyada magaalada iyada oo laga hayo weedh ahayd “waxad moodaa Rayaale in cirka lagaga soo duulayo marka uu wafti u baxayo.”  12966834_1142227109154676_1519774452_n

12935255_1142227159154671_242103175_n12968617_1142227215821332_834348135_n

 

COMMENTS
LINKS