WAJAALE NEWS

HARGEYSAAY WAANNU KA XUNNAHAY IN AAD DUMAAL XUMAYSATO!

“Maayarkii hore ee Shacabka Reer Hargeysa Doorteen Eng. Yuusuf Warsame Siciid RABBI ha u naxariisto.

Cabdinaasir Axmed Ibraahim( Qalin-maal)

“Halkaad iga jirtaan bay,

Dhaxantu iga haysaa,

Tallaay reer Hargeysow.”

   Hargeisa waa magaalo buuro-ley ah, jooggeeduna marka laga eego maayadda-badda wuxuu dhan yahay (4,377 luguudo) Heer-kul-beeggeeda huurku celcelis ahaan waa 30% halka guud ahaan qorraxda ay heshaana ay tahay 25 c waxa ay dhacdaa dhigta 44.0667, halka loolkana ay ka tahay 9.55.Dhererka maalinta Hargeysi waa Saddex iyo toban saacaddood iyo konton mirir.

Hargeysi waxa ay Maka u jirtaa Masaafo dhan (867 Mayl) halka ay Madiina uga jirto (1071 Mayl) Tirada masaajidda ku taal waa (1100) aad bay u adag tahay in Africa laga soo helo magaalo oo intaas oo masaajid ku yaallaan. Waa gallad Illaahay.

Hargeysa waa magaaladii ugu horreysa dhul Soomaali degto ku dhiirata in ay gumaysiga iska kiciso, kaba goor ba. Sidaas darteed baa loo yidhaa waa magaalo dadkeedu xorriyadda jecel yihiin oo aanay u adkaysan liidnimada iyo hoosaynta. Waa baro bulsho weynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u soo boholyoobaan kuna hammiyayaan in ay mar uun soo cago dhigtaan.

Guud ahaan tirada dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa Hal Malyan. Cufnaanta dadka marka la eego  halkii kilometer – square ba waxaa deggan 11,600 oo qof. Waxa aan shaki ka taagnayn in Hargeysi tahay hoyga hal-abuurka iyo Fanka. Dadkeeduna waxa ay u diyaarsan yihiin in ay xornimo ku naaloodaan,kamana hirgali karo jawi kaligii talis. Hargeysi waa magaalada suugaanta ugu badan loo sameeyay guud ahaan gayiga Soomaalida taasina waa hibo gaar ah oo RABBI ku galladay, bal aan soo qaadanno suugaantaa faraha badan ee Hargeysa loo samayay mid kamid ah. Waa kan Cabdi Aadan Xaad( Cabdi-Qays) oo Hargeysa ammaanteeda meerinayaa;

Dhulkii EEBBE doortaay,

Dhalashadaa ku raacdaa,

Xaramkaad ku dhowdahay,

Dhaqanka iyo diintoo,

Waxaad diiq ku leedahay,

Dhoobada maddiinoo,

Dhuuxiyo laftaadaa,

Lagu dheehay khayroo,

Waliyaa dhiskaagiyo,

Dhidibkaaga taagoo,

 

Biyahaagu waa dheef,

Dhuuniga sidiisoo,

Dabayshaada dhabataa,

Cudurrada dhurbaaxdoo,

Dhaxan  iyo ma lihid baraf,

Kugu soo dhacayoo,

Dhadadaadu waa roob,

Dharab doogga bixiyee,

Dhidid iyo kulayl ma leh,

Milicdaada dheeriye,

 

uma dheelo jiilaal

Waligaa dhankaagoo,

Dhacartiyo abaaruhu,

Kuma dhalan rogaannoo,

Rabbigaa ku dhowrtoo,

Dhibta kaa illaashoo,

Dharag baad ku noooshay,

Dhiishaan dhaansi nabadeed,

 

 

Dharraartu gumaysigu,

Muska kaaga soo dhacay,

Dhayal kuugu muu dagin,

Dhoy-laawihiiyoow,

Badda weyn dhexdeedaa,

Saan luugu dhiiboo,

Xeer la dhaabateeyaa,

Dhaxal looga reeboo,

Wali gaal kumuu dhalan,

Dhudiyeey korkaagee!

 

 

Meel aan cidi ku dhugannayn,

Gaajo ruux la dhuubtoo,

Dhibta qayska haystaa,

Dhiilka madhan ma moogoo,

Diintay ku dhaqantaa,

Iyo dhigashadeedoo,

Cilmi dhab ah Hargeysaa leh,

Quraan dhigis Hargeysaa leh,

 

Ma dhuunyada naftaadoo,

Dhagar qabe ma joogee,

Habeenkoo dhag yidhi baa,

Dhiddigiyo labkaagaa,

dhiidhiga ka simannoo,

Dhirta kaa magooshaa,

Dhaawacaa bogsiisaa,

Buurahaaga dhaadheer,

Macdan baa dhex jiiftoo,

Dhimashay ka jecel yihiin,

 Gumaysiga u dhaashee,

Dhaqdhaqaaqa gobonimo,

Markii dhaanka loo raray,

Ciddi uga ma dheerayn,

Guulihii la dhaliyee,

 

Dhudhun adag,

Dhaayo furan,

Dhago nugul,

Dhawaaq kulul,

Hargeysaa leh,

 

Intaa haddii aan ku soo dhaafno heestaa qiimaha badnayd ee Abwaanku sida heerka sarraysa ugu sharxay wanaagga iyo tilmaamaha magaalada Hargeysi ku caanka baxday una gaar ah. Bal aynu eegno imika mid kamid ah heesaha kale ee caanka ah ee Hargeysi leedahay, Waxa codkiisa macaan ku qaada Saalax Qaasin Naaji.

Bustaan dharabku maydhaay,

Bidhaansiga kalgacalkaay,

Xaramkii barbaartaay,

Beertii xorriyadaay,

Baro Caafimaad iyo

Guri la isku baantaay,

Baxsaneey Hargeysaay.

Magaalada intaas oo ammaan leh, Caasimadda quruxdaa iyo bilicdaa leh shacabkeedu waxa ay Dug ahaan ugu doorteen Eng. Yuusuf Warsame Saciid (AHN) Ruug-caddaa waayo aragnimo badan u leh kobcinta iyo qurxinta caasimaddaha, Markii RABBI oofsaday Marxuumka waxaa magaaladan “dumaal ahaan ku guursaday,Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco”

Hoggaanka iyo xildhibaannada Dawladda Hoose ee Hargeysi waa kuwii uu Rabbi ha u naxariistee Maxamed Timo-cadde lahaa; Nimankii muggooduba ahaa, moodhadhkiyo Daarta!

 

Exit mobile version