|
|||||
WAJAALE NEWS
Dalka Maraykanka Oo Weerar Bartilmaameed Ah Ka Fuliyay Koonfurta Dalka Somaliya.
April 2, 2016 - Written by Wariye:
Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya. Waxa weerarku bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay. Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay. Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan. Hargeisa Office Related posts:Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaa... Loolanka Loogu Jiro Buuxinta Kursiga Gudoomiyaha Guurtida Oo Soo Ifbaxaysa Iyo Xil/Suldaan Ismaaciil... Gudoomiyaha Baanka Dhexe Oo Sheegay Inay Ku Guulaysteen Isku Bedelka Shillinka Iyo Lacagaha Qalaad. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|