Dacwada Salaadiyiintii ku Xidhayn Jeelka Madheera Oo Gashay Wajigiisi Sedexaad Iyo Mucjiso ku Habsatay Midka Mida Maragyadii Goobta La keenay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dacwada Salaadiyiintii ku Xidhayn Jeelka Madheera Oo Gashay Wajigiisi Sedexaad Iyo Mucjiso ku Habsatay Midka Mida Maragyadii Goobta La keenay.
April 11, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa Saaka Abaaro 9 Kii Subaxnimo ka bilaabantay magaalada madhheera ee gobolka saaxil dacwada madaxdhaqameedkii xukuumadu ku soo eedaysay kiiskii dhawaan ka dhacay deegaanka hadayta oo ka tirsan degmada lughaya.

 

 

Muuse-Biixi

Kiiskan oo dhagaysigeega ay waday maxkamada wareegta isla markaana ay eedayntooda  soo oogtay xeer ilaalintu ayaa galay Marxaladii ugu adkayd isaga oo kiiskani ka bilaabmay jeelka madheera abaaro 9 kii subaxnimo Halka lasoo gabo gabeeyay 4tii galabnimo iyada oo laga balamay waqti kale ,sida wararka aanu ka helayno  dad goobjoog ahaa kuna sugnaa xiligii ay dacwadu socotay  magaalada madheera xogahan ayaa tibaaxay in dhinacyadan kiiska qaadayay ayaa  kala ahaa xeer ilaalinta,maxkamada wareegta oo dhinac ah iyo qareenada u doodayay madax dhaqameedku ayaa galay meelo xaasaasi ah isla markaana ay  fooda isla galeen dhinacyadii kiiska qolana eedaynta waday halka looyarada madaxdhaqameedkuna iska daadifeeyeen ka dib markii  cadaynta kiiskan  ay xukuumadu wayday wax xaqiiqo ah. waloow ay wararku intaas ku darayaan in ay  xukuumadu wadatay  markhaatiyaal lasoo jujuubay balse midka mida markii la dhaariyay kadib uu meesha ku markhaati furka dacwan aan ahayn tan la dhagaysanayay isagoo lasoo baxay warqad uu ku sheegay eedaynta dad kale oo an ahayn xubnaha dacwadooda loo fadhiyay

taasi oo  buuq iyo sawaxan  ka dhex dhalisay Hoolka uu ka socday kiiskani.

MADAX DHAQAN

dhanka kale markhaatiga la soo jujuubay ayaa inyar kadib bilaabay matag iyo xaaladiisa caafimaad oo is badashay kaasi oo anfariir ku noqday dadkii ku sugnaa dhagaysigan dacwadan,

Xadhiga Madax dhaqameedkan oo  mudo xiligan ku siman 53 casho ayaa dacwadooda maxkamada wareegtaa dhagaysatay sadex jeer iyada oo imika loo balamay markii afraad ka dib markii xukuumadu ka gaabisay in ay soo bandhigto cadaymo intan ka badan oo dheeli ku keenay kiiskii ay xukuumadu ku soo oogtay madaxdhaqameedkan.

si kasta taba ha ahaatee xukuumada iyo hogaanka xisbiga kulmiye ayaa iyagu saamayn wayn ku leh xadhiga salaadiyiinta halka la sheegay in ay gudomiye muuse biixi iyo madaxwayne kuxigeenka cabdiraxmaan saylici dalbadeen in odoyaasha la xukumo  jeelkana lagu hayo ilaa inta ay dhamaanayso diwaangalinta gobolka maroodijeex maadaama ay ku guulaytaan in ay hore u xidhnaayeen intii ay dhamaanaysay diwaangalintii gobolka saaxil taasi oo salka ku haysa muranka dhulka waqooyiga amaba xeebta galbeed, Ee somaliland

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS