DAAWO;Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Sexeexday Heshiis Ku Saabsan Isticmaalka Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Sexeexday Heshiis Ku Saabsan Isticmaalka Dekedda Berbera
April 1, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) shir mudo sadex cisho ah uga socday magaaladda Debre zeit  ee dalka itoobiya ,dawladdaha Somaliland iyo itoobiya oo ku saabsanaa istimaalka dekedda caalamiga ah ee Berbera ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Debre zeit  dalka itoobiya .

Shirka ayaa diirada lagu saaray  socodka badeecadaha,ee ay Itoobiya kala soo degto dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Mudadii uu shirku socday waxa doodo iyo falanqeyn masuuliyiinta labada dawladooda ka yeesheen sidii loo horumarin lahaa isticmaalka badeecadaha ay dawladda itoobiya ay kala soo degto dekedda Berbera,sidoo kale waxay masuuliyiinta Somaliland ku dheeraadeen inay diyaar u yihiin in dhinacooda ay fududayn doonaan sidii heshiiskan horumar looga gaaadhi lahaa.

Shirkan oo ahaa shir muhiim ah ayaa waxa  ka qayb qaadanayey Guddi farsamo oo ka tirsan qaar ka mid ah wasaaraddaha Somaliland,Maareeyaha Guud ee dekeddaha Somaliland iyo madaxda safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya,dhinaca Itoobiya waxa shirka ka soo qayb galay madax iyo masuuliyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee hayadda Itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr MEKONNEN ABERA.

COMMENTS
LINKS