WAJAALE NEWS

Xaqa Uu Ilaahay Siiyay Dumarka Ma Ku Doorsan Karnaa Beenta Gaaladu Maanta La Wareegayso?

Dumarka reer galbeedku waxay ka cabanayeen wakhtigaa dulmi badan oo ay ka tirsanayee raggooda waxaa ka mid ahaa looma ogalayn dumarka inay

Waxaan doonayaa inaan maqaalkan maanta ku soo qaato sida diinta islaamku ay u siisay xuquuq lama taabtaan ah dumarka muslimka ah iyo sida ay dadkeenii u daba yaacayaan gaalada dariiqooda iyo halawga aynu kaga suganahay diinteena shariifka ah iyo sunaha rasuulkeenii  nebi MUXAMED  (S.C.W).

Aan soo qaadano sida ay ku timid maalinta 8march ee loo bixiyay maalinta haweenka aduunka. 8 March waa maalin 1977 ay  qaramada midoobay (UN) u aqoonsatay  maalinta xuquuqda haweenka aduunka, waxayna ku timid dadaal badan oo ay haweenka reer galbeedku u galeen in ay helaan xaqooda  in ka badan qarni.

Dumarka reer galbeedku waxay ka cabanayeen wakhtigaa dulmi badan oo ay ka tirsanayee

raggooda waxaa ka mid ahaa looma ogalayn dumarka inay codeeyaan,ay ka qayb qaataan maamulka iyo talada wadamadooda iyo waxyaabo kale oo badan.

Haddaba dumaroow ma waxaad leedihiin waxaanu raadinaynaa waxaanay diinteenu ogolayn waayo xuquuqda uu dumarka ilaahay siiyay way badan tahay ta tagga la siiyay, lamana gaadhi karo waxa ay diinteenu sheegtay qarniyaal ee maanta gaaladu la wareegayso.

Dhinaca kale gaaladii iyadaa khaatiyaan ka taagan dumarkoodii waayo waxay ogaadeen nolol xumada taala guryahoodii waayo maxabadii iyo raxmadii islaamku ina baray ayaa meeshii ka baxday.

Gaaladu waxay doonayaan in ay ina kala baabiiyaan oo inoo hordseedaan hoog iyo dhibaato.sidaa darted maalintaasi ma aha maalin khusaysa dumarka muslimka ah oo iyaga ilaahay uu xaqooda u dhameeyay 14 qarni ka hor. Waxan u soo jeedinayaa haweenka muslimka ah guud ahaan gaar ahaan haweenka somaliland in ay iska ilaaliyaan dabaal dagyada aan waafaqsanayn shareecada islaamka sida maalintan oo kale oo ay ku duugan tahay ujeedooyin qarsoon . diinteenu dumarka aad bay u cisaysaa oo sharaftooda iyo karaamadooda u dhawrtaa, sidaa wada ognahay intii aan nebi Muxamed (SCW) la soo dirin ee lagu jiray casri jaahiligii dumarka waa la xabaal nololin jiray oo iyaga oo nool baa la aasi jiray oo ninka ay gabadhi u dhalataa dadka ma hor iman kari jirin ilaa uun inantaa aasayo ilaahay baa karaameeyay haween sharafkaa iyo cisigaa maanta aan ku noolnahay u sameeyay, dhinaca dhaxalka inta ay dumarku qaataan baa ka badan inta raggu qaataan tusaale ahaan: Haddii uu nin geeryoodo isaga oo dhalay inan kaliya inantasi xoolaha aabaheed kala badh iyadaa iska leh waxay leedahay nisfu maa tarakahu,

Islaamku gabadha waxa uu faray in ay gurigeeda joogto oo ay caruurteda barbaariso kana shaqayso korintooda, xanaanadooda  iyo akhlaaqdooda waayo iyada ma saarin masuuliyada nafaqada iyo in reerka loo shaqo tago taas waxaa faral lagaga dhigay ragga oo iyaga ayaa masuul ka ah, hadaba haddii daruuro keento dumarka looma diidin in ay shaqo tagaan, waxa kale oo dumarka shaqo ahaan bulshadana muhiim u ah in la helo dumar dhakhatir ah oo dumarka daweeya, macalimiin ah oo diinta iyo aqoonta dumarka bara waxas oo dhanba dumarku waa qaban karaa oo diinteenu waa ilaalinaysaa xaqa ay ledahay gabadha muslimada ahi

Ilaahay hayna waafjiyo sida khayrku ku jiro aduun iyo aakhiraba

Ilaahayoow naga yeel kuwii raaca dariiqii nebiga (s.c.w) ee ka fogaada xaaraanta, xumaanta , halaaga iyo dabagalka gaalada.

Ilaahayow naga waraabi janooyinkaaga nagana badbaadi naartada.

Ilaahayow khaatimada khayr nooga dhig oo noo naxariiso

Aamiin       Aamiin         Aamiin

Allaa mahad leh

Qalimkii: Garyaqaan C/kariim sh. Maxamuud C/lahi “suldaanka”

Suldaancabdi4@hotmail.com,

Phone: 2522+ 0659042120

Exit mobile version