|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg-deg Ah”Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Xabsiga u Taxaabtay Masuul Ka Tirsan Oo Shalay La Socday Taliyihii Dableyda Aan La Aqoonsani Dishay
March 2, 2016 - Written by Editor:Berbera(W.J.N):-Xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabtay badhasaabku xigeenkii gobolka Saaxil . Md Xaamud. Ma jiro war si rasmiya uga soo baxday Dawladda. Hase-yeeshee warar laga helay xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in xadhiga badhasaabku xigeenka gobolka ay ka danbeysay codsi ka yimi Odayaal kasoo jeeda Beesha uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Taliyihii shalay jid goynta ay u galeen dablayda aan la aqoonsan. Sidoo kale, waxa wararku intaa ku dareen, in la isku afgartay in la aaso marxuumkii gaashaanle taliyihii gobolka saaxil Cabdirsaaq caseyr. Dilka taliyaha ayaan weli la aqoonsan cidda khaas ahaan ka danbeysay iyo in dablaydu cidda ay ahayd. Related posts:Guddida Qandaraasyadda oo Mashaariicdii ku jirtay Miisaaniyaddii Suuq madow ku Bixiyey,iyo Guddoomiy... Daawo Muuqaal:-Dhaam Biyoodkii Ugu Horeeyey Ee Tababaruc Lagu Dhisayo Oo Madaxweyne Siilaanyo Dhagax... DAAWO:Wasiir Xirsi Oo FaahFaahiyay Dhacdadii Xildhibaan Xasan Cawaale Ee ILaalada Madaxtooyadu garaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|