Salaadiyiinta, Cuqaasha,Waxgaradka Beesha Subeer Awal Oo Lafilayo In Ay Maalinta Bari ah Jawaab Adag ka Bixiyaan Weerarkii Ay Xukuumada Siilaanyo Iyo xisbigeedu ku Soo Qaadeen Saldanada Beesha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Salaadiyiinta, Cuqaasha,Waxgaradka Beesha Subeer Awal Oo Lafilayo In Ay Maalinta Bari ah Jawaab Adag ka Bixiyaan Weerarkii Ay Xukuumada Siilaanyo Iyo xisbigeedu ku Soo Qaadeen Saldanada Beesha
March 21, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Abaabulka Shir balaadhan oo ay isugu imanayaan Salaadiyiinta, cuqaasha,waxgaradka iyo xubno miistaan culus leh oo kamida mujaahidiintii SNM. ayaa la filayaa in uu maalinta bari ah ka qabsoomo  magaalada Hargaisa.shirkan ayaa sida wararka aanu ka helaynaa tibaaxeen  jawaab adag lagaga bixin doonaa weerarkii qaawanaa ee maalintii shalay ahayd ay kusoo qaadeen xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye Saldanada beelaha Subeer awal kaasi  dib markii caleemo saar dhicisoobay oo ay docda ka hagayeen hogaanka  xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyadu isku dayeen  caleemo saaray suldaan maqaar saar ahaa Hotel ka mid ah hodheelada Hargaisa  oo abaabulkiisa ay iska lahayd xukuumada iyo  xisbigeedu. balse noqday mid ka fashilay kadib markii ay kasoo xaadiri waayeen wax salaadiyiinta ,cuqaal iyo xubno kale oo ay filayeen in  ay kala so qayb galaan.

sacad muuse 33

subee awal

madashani ay kulmin doonto guud ahaan saladiyiinta , cuqaasha,waxgaradka,mujaahidiin iyo aqoonyahano miisaan ku leh  beelwaynta subeer awal. ayaa waxaa laga jawwbi doonaa talaabadii xukuumadu kusoo faro galisay saldanada beelaha subeer awal sidoo kale waxaa lagu wadaa in lagaga tashado aayaha siyaasadeed ee beesha iyo halka ay cudeeda iskugu gayndoonto,

Sacuud-Muuse-odayaal 11

dhanka  kale guud ahaan meelaha ay ku kala nooshahay beelwaynta subeer wal ayaa lafilyaan in ay jawaabo Adag ka bixiyaan  weeararkaa saldanada

sikastaba ha ahaatee waxaan ka war sugi doontaa halka ay sal dhigidoonto  khilaafka iyo weerarka xukumada kusoo qaaday saldanada beelaha subeer awal oo ah mid facwayn. iyo dareenka ay ka qaantado guud ahaan madaxdhaqameedku oo iyagu kamidaysan dhacdadan,

waxa kale oo madashan bari lagaga hadli doonaa xadhiga xubno madaxdhaqmeedka beesha kamida oo iyagu  mudo u xidhnaa dhacdo ka dhacday deegaanada waqooyi, ee somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS