Arrintaasi waxay keentay in markiiba ay ka qayliyaan dadwaynaha deegaanda togdheer oo ay xaalad abaareed haysatay,se umay cuntamin xukuumada
Seddexdii bishii koobaad ee sanadkan ayaa uu madaxwayaha jamhuuriyada soomalilaan Mudane Axmed Maxamed Maxamuud digreeto madaxweyne oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland waxa lagu shaaciyey go’aanka ku dhawaaqista xiliga loo mudeeyey inay dalka si rasmi ah ugu bilaabmato diwaan-galinta doorashooyinka oo ah 16 bisha koobaad.
gobolka Togdheer ayaa laga bilaabay iyada oon la qiimayn xaalada dad iyo deegaantooda.
Arrintaasi waxay keentay in markiiba ay ka qayliyaan dadwaynaha deegaanda togdheer oo ay xaalad abaareed haysatay,se umay cuntamin xukuumada iyo xisbiyada qaran toona qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa dadwaynaha gobolka togdheer, oo waxa kala xoog badatay Lahashada kursi doonka ee ku jirtay.
Bilawgii diwaangalinta ee
gobolka togdheer axsaabtii qaran ku waxay ku soo dhaweeyeen socdaalo qaatay kharashaad badan oo xisbi waliba ku soo bandhigay cududiisa taageero oo loogu baxay dadweynihii abaaratu haysatay ee dheg jalaq loo siin waayay cabashadooda.
Ma dhicin in xisbi iyo xukuumad toona loo damqado dadkan abaartu hayso, oo inta illaahay raxmaadkiisa u shubayo lala sugo.cid ku talisay iyo cid ka hawl gashay toona ma jirin.
Dhibtii iyo waxyeeladii abaartu way sii kordhaysay maaliba maalinta ka danbaysa halka asxaabtii qarankuna sii kordhinayeen ololaha ay ka dhexwadaan dadkan abaaraysan.
Lix iyo tobankii bishii labaad ee sanadkan ayaa si toosa looga bibaabay diwaangalinta codbixiyaasha gobolka Awdal oo ay ka jirto abaartii ugu xumaayd ee dalka ka dhacda rubuc qarnigii qarankani jiray.
Odayaasha,madax dhaqameedka,iyo wax garadka gobolka aad ayay u qayliyeen in diwaan galintu xilligan ka qabsoonto gobolka Awdal laakiin xukuumada dalka oo iyadu ka masuula umadani umay garaabin waxgaradka gobolka, halka axsaabtii qaran xiisaha kursi doonka ee hayaa uu kala waynaaday xoolaha iyo dadka dhimanaya.
Ma dhicin sidii gobolka togdheer in cidina miiska soo saarto talo ah in diwaangalinta dib loo dhigo.
Diiwaan galintu waxay Gobolka Awdal ka socotay iyada oo xoolahu madhanayaan,dadkuna dhimanyaan,axsaabtii qarankuna ka dul ololaynayaan oo sawiro ku dul galayaan,xukuumadii dalkuna indhaha ka qarsanyso aafada abaareed ee ummadan haysta.
Caqligii siyaasiga ummadi wuu keeni waayay aynu joojino kursi doonka oo aynu u gurmano ummadan dhimanaysa, taa badalkeeda waxa uu keenay in uu ugu khudbadeeyo ummadii dhimanaysay si fiican isu diwaangaliya si aad noogu codaysaan.ceeb waynaa ereyada afkooda ka soo baxayay gacana diwaangalitagacana taakulaynta dadka baahan ku lahaa.
Xaaladan abaareed kumay koobnayn labada gobol ee Togdheer iyo Awdal oo kaliya ee dalka oo dhan ayay ku habsatay, in kasta gobolka Awdal u sii daraa oo isaga xoolaha daayoo dadkii u dhinteen gaajo iyo haraad.
Xaaladii abaareed ee sidaa u qadhaadhayd iyada oo jirta ayaa waxa gobolada SAAXIL,GABILAY iyo Hawd lagu qasbay in laga qabto diwaangalinta,iyada oo aan la dhagaysan qaylo dhaantooda, axsaabtii qarankuna sii wataan ololahoodii xukuumadii dalkuna aana hoos u eegayn.
Hadaba iyada oo la diwaangaliyay kala badh goboladii dalka
1. maxaa keenay hakinta diwaangalinta?
2. Caqligu se ma qaadi karaa in halkaa laga sii wado diwaangalinta?
3. Goboladii la diwaangaliyay xiligii abaarta maxaa loo hayaa si loo simo gobolada dalka oo loogu cadaalad sameeyo?
4. Qaadacada wadani ee hankinta diwaangalintu ma lexejeclo dadka uu u hayaa mise waa xasoor iyo cadaalad dayday?
Waxa ceeb iyo ayaan daro ah in dal xaaladiisa nololeed heerkan marayso oo dadkiisii u dhimanayaan gaajo iyo haraad ay gurmadka ummada garab wadaan diwaangalin doorasho.
In kastoo hakinta diwaangalinta ee hadda ay dadku u sameeyeen macnayaal badan oo siyaasi ah sida dhabtaana aan ka madhnayn, hadana waxa aanay cidina isku diidanayn in iyada oo xaalad abaareed jirto in dadka loola tago diwaangalin.sidaa darteed ay qalad ahayd xitaa markii laga samaynayay goboladii hore looga qabtay.
Hadaba in la hakiyo diwaangalinta hadda waxa keenay in raxmaadkii alleh ee la filayay bishan seddexaad aan wali la hayn xaalada abaareedna ka sii darayso guud ahaan dalka.
Si hadaba loogu cadaalad sameeyo gobolada iyo degmooyinka dalka waa in la siiyaa jaanis labaad goboladii xiligii abaarta laga sameeyay diwaanglinta.
Qaadacadii xisbiga wadani ee hakinta diwaangalinta waxa u muuqday mid xaga siyaasada oo kaliya ay ka eegeen madaxdiisu, maadaama oo ay labadii gobol ee ay ka soo kala jeedeen gudoomiya xisibga iyo ku xigeenkiisu la diwaangaliyay xili abaara.
Guntii iyo gabogabadii in la hakiyo diwaangalintu waa xaajo aanay cidina diidi Karin ee si loogu xaq sooro gobolada dalka ha la siiyo jaanis iyo muddo kordhin goboladii xiliga abaarta la diwaangaliyay.
Axmed baashe aadan
Axmedbashe14@gmail.com