Ceebta Wasiirada:Raaligalintii Jabuuti Ee Warancade, Xaalada Abaarta Dalku Kujiro Iyo Afkala Qaadka Wasiir Cadaani Ee Xatooyada Wasaarada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceebta Wasiirada:Raaligalintii Jabuuti Ee Warancade, Xaalada Abaarta Dalku Kujiro Iyo Afkala Qaadka Wasiir Cadaani Ee Xatooyada Wasaarada.
March 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Marka dhab ahaan loogu eego Xaalada abaaraha iyo Duruufaha adag ee Dalka Somaliland maanta marayo Xoolo dhaqatadii iyo Danyartii Baadiyaha saamaynta adag ee nolosha kala soo daristey iyo habdhaqanka qaloocan ee Wasiirada Xukuumada waxa ay isku noqonayaan kaaf iyo kala dheeri taas oo macnaha iyo dheeldheelka hadalkooda bilaa qiimaha ahi lamid yahey ‘hadii ay Furin(roodhi) waayeen miyay keega cunaan’.

labada tuug

Marka aynu dib ugu tixraacno halka uu marayo dhacdada Weerarkii Dawlada Jabuuti ciidamadeeda Badu kusoo qaadeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo uu ku geeriyooday hal Askari waxa ay dad badani layaabanaayeen, socdaalka bilaa macnaha ah ee Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland mudo lix caana-maal ah arintaasi isagoon wax hadal ah kasoo saarin kaga dhursugayay in uu kala hadlo Madaxda Jabuuti taas oo Wasaarada Daakhiliga Qeyb u qaabilsan gudbinta wararka doc-beydhka iyo Guulwadeynta ahi soo saareen in Dawlada Jabuuti Somaliland ka raali galisey Weerarkaasi haseyeeshee, iyadoo daahir yaa shamis ah maqal iyo muuqaal lagu daawadey Wasiir Warancade oo Dawlada Jabuuti ka raali galiyey weerarkaasi islamarkaana, hadalkiisa ku sheegaya in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ku qaldameen badda Jabuuti halka Wasiirkii Jabuutina ka sheegay in ay ka dawlad ahaan ka qeyb qaadan doonaan Contruption(qaadhaan) ah ee laga geysanayo dhacdada iyo cidii ku dhimatey miyaan la isweydiin karin Goormay Jasiirada Ceebaad iyo halka weerarku ka dhacey ee Jasiirada Sacaada-diin ka sokeysaa Kamid noqdeen Xuduuda Badda Jabuuti waa Su,aal aan doonayo in Shacbigu maanka ku hayaan inkastoo aynaan jeclayn in labada dal colaadi u dhexeyso hadana in la isu xisaabiyo laba dal waa mid muhiim ah walow ay Suurtagal tahey in aan laga warheynin balse, taasi in gaar ahi la ogtahey jiroo waxa ka muuqdey hadalkii Madaxweynaha ee wax lagaga weydiiyay Weerarka Ciidamada Jabuuti kusoo qaadeen Somaliland jawaabtii uu ka bixiyay in aanu arintaasi ka warqabin ama aanu macnaheeda dhiganin cid kasta oo goob joog aheydna way garan kareysay dareenkiisa markii Su,aasha la weydiiyay.

 

Sikasta oo ay tahey marka aynu isku soo duuduubno miyaanay qarankan Ceeb iyo afkala qaad ku aheyn in Nin Wasiir ah oo Xil ka haya mid kamid ah Wasaarada ugu culus dalku Warbaahintii Qaranka iyo ti maxaliga aheyd lasoo fadhiisto waxa la jabsadey khasnad kutaala Xafiiskeyga oo lagala baxey lacag dhan Shan Milyan oo Shilinka Somaliland hadii ay jirto iyo hadaaney jirinba miyaanay nusqaan iyo ceeb weyn ku aheyn karaamada Shaqaalaha Warfaafinta oo dhan, Dalka Somaliland sumcada dawladnimo iyo sharafta Wasiir ee uu xilkeeda hayo dabcan hadii ay dhacdo noocaas ahi dhacdo waxa masuulka maskaxdiisu fayowdahey ee xilkasnimada qabaa ku maareyn lahaa ku baadhi lahaa ku eegi lahaa aamusnaan iyo iyo arin hoose balse, tani waxey ceeb iyo cawadarn tahey ku tahey Wasiir Cadaaniga Warfaafinta dhawaan la geeyay oo mudo kooban hayey xil hore loogu magacaabay Wasaarada Duulista sheegi mayno in uu gudan waayey oo lagala soo lexejeclooday iyo inkale laakiin fudeydkiisa marka aynu eegno kuna qiimayno inagoon xukumeyn arinta uu afka ukala qaadey ee Xatooyada Wasaaradii Warfaafinta ma u muuqdaa inaanu Wasaaradna iyo Xil umadeed midna u qalmin.

 

 Cabdiraxmaan-hiiraan

COMMENTS
LINKS