WAJAALE NEWS

Warkuu Mohamed Kaahin togdheer ka keenay baa kalifay in Silaanyo safar ku tago by Abdi Mustafe.

Warkuu Mohamed Kaahin togdheer ka keenay baa kalifay in Silaanyo safar ku tago by Abdi Mustafe

Waqti ay wefti xisbiga Waddani iyo wassirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaji Cali ba ku sugnaayeen Burcao ayaa si kedis ah waxa loogu dhex arkay Hotel Plaza oo uu Gudoomiyaha Waddani A/rahman Ciro degenaa Mohamed Kaahin oo si qarsoodi ah magaalada ku soo galay. Mohamed Kaahin waxa soo diray Muse Biixi oo yidhi mucaaradki olele ayay Burcao ka wadaan ee wixii aad ka joojin kartana ka jooji kana soo war buuxi shirarka ay galaan iyo cida ay la galaan. Waxa la soo cadeeyey markuu Mohamed Kaahin ka yaabay shirarka is daba jooga ah iyo xiinka iyo guuxa ka baxaya taageerada loo hayo xisbiga Waddani in uu telephoonada ka joojin waayay madaxtooyada isaga oo le

Kulmiye waxba uuma yaalaan togdheer. Sidii buu Mohamed ku anba baxay uu ku wargeliyey Silaanyo iyo Muse Biixi in Xirsi iyo Ciro ay isku duba riteen taageero wixii Kulmiye ku haystay togdheer. Muse Biixi wuxuu madaxtooyada waydiistay in Silaanyo safar ku tago togdheer bal in arimahan wax laga bedeli karo.Asuulku wuxuu ahaa in Madaxweynuhu soo indha-indheeyo goblada galbeedka ee abaaruhu saameeyeen oo dabeedna gurmad u fidiyo dadkaa tabaalaysan. Silaanyo waxa lagu kalifay in uu ka daba tago safarkii Waddani ku soo maray bariga oo war bixintii uu ka helay Mohamed Kaahin ay ahayd in aan Kulmiye togdheer waxba u oolin oo Xirsi iyo Ciro aad looga taageersanyay. Arinkii waa laga yeelay oo weliba waxa la qorsheeyey in tuulada Oog sanadkan loogu qabto dabaal degii sanad guurada ciidamada oo Silaanyo na ka soo qeyb galo. Hadaba dadka siyaasadaha ka hadlaa waxay isla dhex marayaan kol hadaan madaxweynuhu sharaxnayn ama nin beeshiisa ihi sharaxnayn intee in leeg ayuu taageero uuga heli karaa gobolada bariga ee uu ka soo jeedo. Waa sua’al da’ wayn. Hadii sidaa laga shakisan yahay Silaanyo olele Kulmiyeysan uu wado muxuu isagu inta uu doorasho qabto 2015 uu isugu ololeyn waayay ee uu cid kale uugu ololeynayaa. Iyaduna waa sua’al kale oo meesha ku jirta.Maba laga yaabaa in safarkuba yahay hinaasihii madaxtooyada lagu yiqiin. Mise talow xaal kuba waa baadida nin baa kula deydayi daalna kaa badin e. Sua’alo badan baa la iska waydiin karaa safarka madaxweynaha ee aan hore loo sii shaacin iyo wasiirada daba socdaba.
Abmustafe123@gmail.com

Exit mobile version