|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Muj Jidhif Oo Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Ganacsade Cumar Caydiid
February 5, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Taliyihii Hore ee ciidanka qaranka Muj:Maxamed Hasan C/lahi( Jidhif ) ayaa Waxlaga xumaado ku timaamay xadhiga ay xukuumadu kula kacday ganacsade Cumar Caydiid Oo todobaadkii u danbeeyay ku xidhnaa mid kamid ah saldhigayada magaalada Hargaysa. gaar ahaan saldhiga ibraahim koodbuur Taliyaha Oo u waramayay shabakada Wararka ee wajaalenews ayaa ganacsadaha ku tilmaamay mid kasoo qaybqaatay halgankii dib u xoraynta dalka gaar ahaan guutadii 99 ee ka dagaalamaysay xeebaha galbeedka ee somaliland kana soo qaatay qayb laxaadle. sidoo kale waxa u GEN jidhif intaa ku daray in uu ganacsaduhu kamid yahay birmagaydada dalka sidaasi darteedna aan aad uga xumahay in xoriyada laga qaado ayuu yidhi{‘ waxa aanu taliyuhu xukuumada usoo jeediyay in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa loogu soo celiyo ganasadahan isaga oo kadigay in qof muwaadina oo usoo halgamay dalka islamarkaana maalgashi balaadhan kusameeyay kaasi oo tusaale u ah in dalka ay maal gashadaan dad ajaabina balse ay xadhigan noocan ahi keenayo in aan cidi kusoo dhiiran , somaliland,maalgashigeeda. Waxaan marlabaad ku celinayaa in muwaadinkaasi sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xoriyadiisa. ayuu yidhi taliyuhu.
Related posts:DAAWO; Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Kormeer Ku Tagay Xaafada Istanbul Oo Ay Ku Gubteen 45 Guri, Sh... DAAWO;-Sheekh Caan Ah Oo Ku Nool Somaliland Oo Shaaciyay In Uu Hayo Daawada Cudurka Coronavirus. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Ayaa Si Adag Uga Hadlay Warar Been Abuura Warbaahinta Qaar ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|