Duqii Burburinta Danyarta Hargeisa Q2aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duqii Burburinta Danyarta Hargeisa Q2aad
February 26, 2016 - Written by Wariye:

Alle ma jecla dulmiga haddii duul dulmigu ku bato oo masaakinta la dulmiyo nimcada ilaahay way yaraadaan, bal aynu eegno wuxuu

Waa iska xaal adduun burburinta laftigeedu oo wakhtigaa sidaa ina baday lakin noloshu sidaa uun ahaan mayso (danyareey) wakhtiga ayaa is badali doona dhawaan isha Allaa   faraj khayr qaba ayuu ilahay inoogu badali isagaa wayne  , dulmiga ilaahay ma jecla  waxaa Hargeisa maanta ka socdaana waa dulmi si cad  loo abaarayo meelo gaara ama meherado gaara , Alle ma jecla dulmiga haddii duul dulmigu ku bato oo masaakinta la dulmiyo  nimcada ilaahay way yaraadaan, bal aynu eegno wuxuu ka yidhi  Abwaankii waynaa ee timo cade markuu qofku qabyaalda iyo dulmi iyo dhago adayg isku darsado  Gabaygii  ( Dugsi ma leh qabyaaladi waxay Dumiso Mooyane )

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso

mooyaane

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa Dix dhagaxeede

Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane

Duqaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Bilicdu ma  maanta un baa la xasuusta  soo kii  golaha deeganku joogay muddo saddex sanno ah , haddaad tihiin dad bilic iyo qurux ka fikiraya ma maanta ayay idinla qurux badnaatay , iyadoo dalka abaaro iyo dhibaatoyin ka jiraan mida kale   duqu wuxuu waddaa waxaa weeyi  sheeko kale  , wuxuu ka dagaalamay gacanta sagalaad , lakin wakhtigani maaha wakhti aan lays fahmayn, wuu dareemi karaa qofkasta oo aqli saliim ahi cidaad la dagaalamayso, waa mid nusqaana inaad la dagaalanto xisbigii halkaa ku gaadhsiiyay ee ka dhigay xildhibaan ilaa mayor ,

Waa yaab  dalka aynu ognahay siduu yahay dhaqaale ahaan ayuu mayorkuna dalbaday gawadhida raaxada ee magaaloyinka lagu damaashado , wuxuu ku riyooday Hargeisa oo gawadhida noocas oo kale ah lagu xaragoodo  wuxuu iloobay in magaladu boodh iyo waddooyin burbursani jiraan , mida kale wakhtigani maaha wakhtigii danyarta inta la burburiyo haddana gawadhi noocas oo kale lagu hor marmari karo , ma heerkaa ayuu gaadhay dulmigii iyo isku wiirsigii , Abdirahman ma ilaa intaas ayuu damirkii kaa maqan yahay , waxaasi waa xaraanta kugu badatay , duco ayaad u baahan tahay

La soco

Name: Hamse Abdisamad

Hamseabdi@gamail.com

COMMENTS
LINKS