WAJAALE NEWS

Dareenka Ka Dhashey Hadal Muuse Biixi Reer Gabiley Ugu Duur-xuley “Waxaad Noqon Doontaan Xaruntii Kaambeynka” oo Lamacno ah( Rarkaad ku Fiican Tihiine) Udiyaar Garooba!!

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Murashaxa Jagada Madaxweyne u ah

Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa, la sheegay in dareen weyni ka

abuurmey hadal uu guriga Martida uga jeediyay odoyaal cuqaal ah oo

loogu soo uriyay gurigaasi kadib markii, uu ka cilmiyooday in uu

fagaare kala hadlo dadweynaha Reer Gabiley duruuf ahaan iyo kalsooni

ahaan labadaba waxaana khudabdiisa kadib siweyn la isku weydiiyay

caloolyowga Reer Gabiley ka qabeen Xisbiga Kulmiye iyo abaal celintii

ay hore uga heleen ku guuritaankii Axmed Siilaanyo ugu abaal gudey

markii uu Xukuumada helay hadal duur xul ah balse, ay si qoto dheer u

dhuuxeen guud ahaanba Aqoonyahanka iyo waxgaradka Reer Gabiley kaas oo

aan laga filayn balse uu ku sheegay in Gabiley noqon doonto Xaruntii

Kaambeynka isagoo hadalkiisani kusoo beegmay xili gaajo iyo macaluul

badani ku habsatey Deegaanada abaaruhu saameynta adag kuyeesheen ee

Gobolka Gabiley.

Qeybo badan oo kamid ah Bulshada Reer Gabiley ee aragtida fog leh ayaa

u arkey hadalka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu bushaarada

uga dhigay Reer Gabiley ee ah Xaruntii Kaambeynka ayaa la idinka

dhigayaa in uu ka turjumayay aragtidiisa shakhsi ah iyo halka uu

garaadkiisu gaadhsiisan yahey oo lamid ah halkii maalintii halgankii

SNM lagu jirey ee geeridii Marxuum Mujaahid Mahdi Cali Faarax kadib

xiligaas oo uu ku dhawaaqey hadaad leedihiin ‘Jibriil waa Isku jeeni

anagaa Toban jeeni idinka dhigi doona’hadalkaas oo u muuqda mid quudhi

waaga aqoonta,shakhsiyada diinta iyo tawfiiqda ku jiheysnaa.

Marka gees kasta laga eego,waxa muuqata in Wariyayaashiisa gaarka u ah

uu ka dalbadey qoraalka ay ciwaanka sare uga dhigeen, Wargeysyada

Qaarkood Sida Wargeyska Jamhuuriya oo bogiisa hore lagu daabacey Muuse

Biixi oo Reer Gabiley Sare-joog kula Hadley taas oo lamacno ah in

ujeedadeedu tahey uma qalmaan marka afar oday laga haysto sida uu

aaminsan yahey in fadhiga lagula arinsado taas oo qeyb ka ah fikradaha

khaldan ee Muuse Biixi Cabdi(Gudoomiyaha-kulmiye), ka haysto mujtamaca

Reer Gabiley,inkastoo waayo badani u dhexeeyo Reer Gabiley iyo Xisbiga Kumiye islamarkaana, ay inta ugu badan iyo waxgaradku dhexda farta ka qaniinsan yihiin ilaa iyo maanta halka uu tacabkii Reer Gabiley

galiyeen Xisbiga Kulmiye iyo ololihii Axmed Siilaanyo ahaa mid tacab

khasaare ku ah oo ay kaga hodmeen ama ugu lu,geen Waayihii Halgankii

SNM oo qiiradoodu ubadnaatey, waxaana ku mudan kumanaan Reer Gabiley

ah in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo lagu bahdiley haldoorkii iyo

waxgaradkii,iyo Siyaasiyiin badan oo Gabiley kasoo jeeda iyadoo

Gudoomiyaha Kulmiye laf ahaantiisa loo aaneeyo in uu lug weyn ku lahaa arimo badan oo ay isku seegeen Xukuumada Siilaanyo iyo Reer Gabiley.

Isku soo wada duub oo inkastoo aaney, Reer Gabiley dhoolatus

Siyaasadeed marnaba u muujinin Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, isaga

laf ahaantiisa aaney kalsooni fiicani halkaa u oolin hadana waxa uu u

qabaa in Reer Gabiley iyo masiirkooda ay gacanta ugu hayaan

shakhsiyaad kooban iyo odoyaal uu shaley sarajoog kula Hadley sida

Warbaahintiisu qortey,haseyeeshee, waxa wali isweydiintu ka taagan

tahey Xaruntii Kaambeynka oo ah rarkaad hogaamin doontaan midhahana

waad ka qadi doontaan sidii caadada idiin aheyd.

 

Axmed Caano-Barde

Gabiley Somaliland

Bardaale96@hotmail.com

Exit mobile version