|
|||||
WAJAALE NEWS
Dareenka Ka Dhashey Hadal Muuse Biixi Reer Gabiley Ugu Duur-xuley “Waxaad Noqon Doontaan Xaruntii Kaambeynka” oo Lamacno ah( Rarkaad ku Fiican Tihiine) Udiyaar Garooba!!
February 9, 2016 - Written by Editor:Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Murashaxa Jagada Madaxweyne u ah Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa, la sheegay in dareen weyni ka abuurmey hadal uu guriga Martida uga jeediyay odoyaal cuqaal ah oo loogu soo uriyay gurigaasi kadib markii, uu ka cilmiyooday in uu fagaare kala hadlo dadweynaha Reer Gabiley duruuf ahaan iyo kalsooni ahaan labadaba waxaana khudabdiisa kadib siweyn la isku weydiiyay caloolyowga Reer Gabiley ka qabeen Xisbiga Kulmiye iyo abaal celintii ay hore uga heleen ku guuritaankii Axmed Siilaanyo ugu abaal gudey markii uu Xukuumada helay hadal duur xul ah balse, ay si qoto dheer u dhuuxeen guud ahaanba Aqoonyahanka iyo waxgaradka Reer Gabiley kaas oo aan laga filayn balse uu ku sheegay in Gabiley noqon doonto Xaruntii Kaambeynka isagoo hadalkiisani kusoo beegmay xili gaajo iyo macaluul badani ku habsatey Deegaanada abaaruhu saameynta adag kuyeesheen ee Gobolka Gabiley. Qeybo badan oo kamid ah Bulshada Reer Gabiley ee aragtida fog leh ayaa u arkey hadalka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu bushaarada uga dhigay Reer Gabiley ee ah Xaruntii Kaambeynka ayaa la idinka dhigayaa in uu ka turjumayay aragtidiisa shakhsi ah iyo halka uu garaadkiisu gaadhsiisan yahey oo lamid ah halkii maalintii halgankii SNM lagu jirey ee geeridii Marxuum Mujaahid Mahdi Cali Faarax kadib xiligaas oo uu ku dhawaaqey hadaad leedihiin ‘Jibriil waa Isku jeeni anagaa Toban jeeni idinka dhigi doona’hadalkaas oo u muuqda mid quudhi waaga aqoonta,shakhsiyada diinta iyo tawfiiqda ku jiheysnaa. Marka gees kasta laga eego,waxa muuqata in Wariyayaashiisa gaarka u ah uu ka dalbadey qoraalka ay ciwaanka sare uga dhigeen, Wargeysyada Qaarkood Sida Wargeyska Jamhuuriya oo bogiisa hore lagu daabacey Muuse Biixi oo Reer Gabiley Sare-joog kula Hadley taas oo lamacno ah in ujeedadeedu tahey uma qalmaan marka afar oday laga haysto sida uu aaminsan yahey in fadhiga lagula arinsado taas oo qeyb ka ah fikradaha khaldan ee Muuse Biixi Cabdi(Gudoomiyaha-kulmiye), ka haysto mujtamaca Reer Gabiley,inkastoo waayo badani u dhexeeyo Reer Gabiley iyo Xisbiga Kumiye islamarkaana, ay inta ugu badan iyo waxgaradku dhexda farta ka qaniinsan yihiin ilaa iyo maanta halka uu tacabkii Reer Gabiley galiyeen Xisbiga Kulmiye iyo ololihii Axmed Siilaanyo ahaa mid tacab khasaare ku ah oo ay kaga hodmeen ama ugu lu,geen Waayihii Halgankii SNM oo qiiradoodu ubadnaatey, waxaana ku mudan kumanaan Reer Gabiley ah in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo lagu bahdiley haldoorkii iyo waxgaradkii,iyo Siyaasiyiin badan oo Gabiley kasoo jeeda iyadoo Gudoomiyaha Kulmiye laf ahaantiisa loo aaneeyo in uu lug weyn ku lahaa arimo badan oo ay isku seegeen Xukuumada Siilaanyo iyo Reer Gabiley. Isku soo wada duub oo inkastoo aaney, Reer Gabiley dhoolatus Siyaasadeed marnaba u muujinin Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, isaga laf ahaantiisa aaney kalsooni fiicani halkaa u oolin hadana waxa uu u qabaa in Reer Gabiley iyo masiirkooda ay gacanta ugu hayaan shakhsiyaad kooban iyo odoyaal uu shaley sarajoog kula Hadley sida Warbaahintiisu qortey,haseyeeshee, waxa wali isweydiintu ka taagan tahey Xaruntii Kaambeynka oo ah rarkaad hogaamin doontaan midhahana waad ka qadi doontaan sidii caadada idiin aheyd.
Axmed Caano-Barde Gabiley Somaliland Bardaale96@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|