WAJAALE NEWS

Xisbiyadu Waa Weelka Siyaasigu Ku Dawarsado Qore: Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)

Xisbiyadu Waa Weelka Siyaasigu Ku Dawarsado dad weynaha codka Bixiya,

Xisbiga Kulmiye waxa hore uugu Soo dawersedey dad weynaha

Axmed Siilaanyo si fiicana dad weynuhu codkoodii way uugu Rideen waanay u buuxiyeen Weelkii Uu sitey oo ahaa xisbiga kulmiye Hase yeeshee dadkii uu Axmed Siilaanyo ku dawarsedey weelka

Uu sitey oo ah xisbiga (Kulmiye)

Ayaa ka biyo diidey hab dhanka

Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa

(Kulmiye) isla markaana u arka iney Ku khasaareen weelkii Axmed Siilaanyo ku dawarsedey oo ah Xisbiga (Kulmiye).

In kastoo qaar tirsan xisbul Xaakimka kulmiye ay war baahinta Ka yidhaahdeen Axmed Siilaanyo Iskii ayuu uuga tanaasuley Markiisii labaad inuu u tartamo Doorashada hadana dad badan Ayaa rumaysan sabatu inay tahay Markuu hubsaday inaan mar Dambe dadkii lala hor tegi karin

Xisbiga (Kulmiye) isla markaana

Uu ogaadey iney dadku yihiin kuwii Shalay uu ku dawarsedey isla Weelkan oo ah xisbiga (Kulmiye)

Sidaa awgeed ayuu Axmed Siilaanyo uuga hadhay tartanka.

Hadaba maanta weelkii oo ninkii Hore uugu cunay iska tuuray oo Dhinacyadana ka dal daloola kana Muuqato qaranimada JSL oo halis Ku jirta isla markaana aan laga Nadiifin boobkii hantida umada Lagu boobay waxa soo qaatay

Muuse Biixi oo noqday murashaxa Koowaad ee xisbul xaakimka

(Kulmiye) iyo weliba seylici oo

Noqday murashaxa labaad oo Isagu ahaa qofkii labaad ee hore Uula cunay Axmed Siilaanyo codkii Ay dad weynuhu uugu rideen hase Yeeshee abaal koodii ka dhigey

Dhac iyo in qaranimadii la iibiyo

Hadaba waxa maanta dad weynaha Hor yaala sedex ka mida weelka Siyaasigu ku dawersedo waana Sedexda xisbi qaran oo kala ah

(Kulmiye) (Ucid) (Wadani)

Waxaan maanta odhan lahaa dad Weynaha la hoos dhiganayo

Weelka lagaga dawersenayo

Codkooda oo ah xisbiyada waa Kala garanaysaan maah maahdii Ahayd mar i dage ala ha dago

Mar labaad i dagena anigaa is

Dagey ama qof muslina laba jeer

Meel qudha lagama wada qaniino.

Qore: Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)

Exit mobile version