Markab Sida Raashin Mucaawina Ah Oo Kusoo Xidhay Dekeda Berbera Iyo Gaadiidkii Ugu Badnaa Oo Etoobiya Ka Cashuuran U Soo Gudbaan s/land. +Doorka Wasaarada Maaliyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Sida Raashin Mucaawina Ah Oo Kusoo Xidhay Dekeda Berbera Iyo Gaadiidkii Ugu Badnaa Oo Etoobiya Ka Cashuuran U Soo Gudbaan s/land. +Doorka Wasaarada Maaliyada.
January 23, 2016 - Written by Editor:

Maxaa Sobobay in  Gawaadhidii s/land ka cashuurnayd  oo Bilaa Shaqo ah In  Kuwa dal kale ka Cashuuran la Ogolaado?

TOGWAJAALE(Wajaalenews) Waxaa Caawa Fidkii Kasoo gudbay xuduuda u dhaxay somaliland iyo Itoobiya Ee magaalada Togwajaale kaasi oo ah Gaadiidkii ugu tirada badnaa ee kuwa xamuulka qaada  rimoodhkana jiita  kuwaasi oo dhamaan ku  socda dekeda berbara is ay uga soo qaadaan raashin mucaawimo ah oo haayada WFP Uwado dalka Etoobiya  Gaadiid kan oo ah Nooca wawayn ayaa laga cabsi qabaa in ay khasaare culus soo gaadhsiiyaan  wadada isku xidha wajaale iyo hargaysa oo  dabayaaqadii todobaatanaadkii la dhisay dhib wayn ku haya .

 hadaba gaadiidkan oo  ka soo qaadaya raashinka mucaawinada ah ee WFP dakada berbara  loona wado dalka etoobiya guwaadhidaas oo dhamaantood  aan ka cashuurnayn dalka s/land  ayaa ah mid keeni doonta gadood ay gaadiidlaydu S/LAND kala hortagaan gaadiidkan etoobiyaanka ah halkaasina uu khasaare ka dhalan karo.

Dhanka kale Wasaarada Maaliyada ayaa la sheegayaa in ay iyadu ogolaatay maadaama ay muhiim u ahaayen gaadiidka somaliland hadii ay hawsha iyagu daabulaa lagana qaadi lahaa cshuurta xiligan wasaarada maaliyadu ku mashquulsan tahay,

dhanka kale maamulaha kastabka wajaale ayaa isagu wax ficila ka qaadan talaabadan.

COMMENTS
LINKS