DAAWO; fadeexadaha Musuq Maasuq Ee Dulhogonaya Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Muuqaalka Dhul Uu Ka Iibsaday Xaafada Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; fadeexadaha Musuq Maasuq Ee Dulhogonaya Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Muuqaalka Dhul Uu Ka Iibsaday Xaafada Shacabka.
January 30, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Mareeyaha Wakaalada biyaha Ibraahim Siyaad ayaa xilka wakaalada biyaha haya mudo lix sano ku dhawaada mudadaasi uu xilka haya mareeyaha wakaalda biyaha hargaysa  ayaa habayaraatee  mar qudha ayna badhin hanti dharwka guud ee qaran oo xiligan bulshada reer somaliland quus ka joogta shaqadii ay qaranka u hayeen,

12647794_1678654582408120_660890747_n 12665815_1678654579074787_55546654_n

Habada mareeye ibraahim siyaad ayaa dhul balaadhan ka iibsaday xaafada shacab gaar ahaan kasoo horjeedka school oftomorow dhulkan ayaa sida ka muuqata sawirada wuxuu Albaabka hore dayrkiisu ka Xidhay guriga sheekhul balad hargaysa sheekh Maxamed farxiye Sheekh Ibraahim kaasi oo markii maareeye siyaad iibsaday uu awood dawladeed  ku dayrtay, halka xukumada madaxwayne siilaanyo oo lagu tilmaamo xukuumadii musuqmaasuqa iyo cadaaladarada ayna waxba ka qaban cabashadii ilama sheekh ibraahim

Mareeyaha wakaalada biyaha ayaa sida aanu ka helnay dad  wax ka ogaa iibkiisa ay noo sheegeen in uu dhulkan oo ah dhul danguud ah kuna yaala wajahada guriga sheekh Maxamed farxiye uu siisay qiime dhan 67000$ dollar  Balse mar aanu mudo hore wax ka waydiinay in maareeye ibraahim dhul iyo guryo kale dhistay ayuu noogu jawaabay ‘anigu gurigaygii ayuunbaa ku jiraa mana jirto guri kale oo aan dhistay iyo dhul aan iibsadayba,

12607100_1678654619074783_1493307822_n(1) 12625725_1678654675741444_301940282_n 12650509_1678653865741525_1062850388_n

Mareeyaha wakaalada biyaha ayaa la sheegay in uu awooda iyo taageero hoose oo aan dadku dareemiN ka helo gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo xiligan Loo cumaamaday murashaxa Madaxwayne ee doorashada soo socota xisbiga kulmiye,

sidoo kale xogahan ayaa xusay mr Muuse dadka ku agdhaw u sheego in aanu ogolayn mareeyahan ka  reer ahaan balse taasi ayaa noqotay mid raad gad ah kadib markii  warar hoose xaqiijiyeen in uu xiliyo badan Oo muuse biixi xaaladu ku adkayd madaxtooyada khilaaf ka dhexeeyay u keenay dhaqaale buuran iyo xogo u lid ah oo uu ka helay xukuumada .

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS