27th Dec, 1979 dawladda “ Ruushku” waxay xoog ku qabsatay dalka “Afganistan”.Markii ay ciidmadda Ruushku soo galeen caasimadda “KABUL”, waxa dabaabaddi ugu horaysay “Tank “ shidhka u saarna nin lo odhan jiray “ Babrak Karmaal”, oo laga soo qaaday “Moscow. “ Waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxwaynaha “ Afqanistan “. Laga bilaabo maalintii Ruusku magacaabay “Babrak Karmaal” waxa Afqanistan ka holcay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday. Muddo dheer ka dib, waa laga xoreeyay xukunkii Ruuska & Babrak Karmaal ,waxaanu dalkaasi u gacan galay kooxo mayal adag oo ku salaysan qabii’l iyo caqiidad.
Colonel Muuse Biixi wuu karayaay inuu Burco ku soo galo asagoo lugaynaaya ,laakinse wuxuu door-biday inuu soo raaco “Dabaabad”. Waxa hareer socday cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka, booliska, aslubta, ambalances iyo shabegleyaashii maxaabiista. Waxa hubaal ah,inay amarka bixiyeen Generalada ciidamada kala duwan & wasiirka daakhiligu. Hadaba, Waxa halkaas ka sii muuqata, inaanay Somaliland ka dhici doonin doorasho xor ah oo xalaal ahi, qorshahuna yahay in Colonel Muuse Biixi dabaabad laga soo saaro Hargeisa. Waa suurta gal inuu qorhsahaasi hirgalo, laakinse Somaliland waxay ku danbayn doontaa tubtii Karmaal & Afqaanistan . Madaxwayne Siilaanyo Dalkii & dadkii lagu wareejiyay asaguna si nabadgelyo ah ha u wareejiyo.
Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.
yhoodo@yahoo.com.