|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Xasan Dhuxul Oo Magaalada Istanbul ku Qabtay Bandhig Suugaaneed -kulmiyay Dadka Af soomaliga Ku Hadla. SAWIRO
January 18, 2016 - Written by Editor:ISTANBUL(W,N) Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo Aaad Looga Yaqaano Dhulka somaaliyeed, suugaantiisuna Raadayn Balaadhan dhagaha dadka ku yeelatay ayaa habeenkii Xalay ahaa- Ku Qabtay Magaalada Istanbul Ee Dadlka Turkiga Bandhig Suugaaneed kulmisay dhamaan Dadka afsomaliga ku hadla- Bandhig Suugaaneedkan oon Noociisu hore aanu uga dhicin Dalka Turkiga waxa uu Abwaan Laabsaalax ku soo Bandhigay Maansooyin Quluubta dadkii xafladaa joogay Habeenkii xalay ahaa saamayn ku yeeshay. Munaasibadaa oo aad loo soo Agaasimay waxa ka soo Qayb galay inta Magac Soomaliyeed Wadaagta oo laf dhabar ay u ahaayeen ardayda somaliyeed ee wax ka barata dalka turkiga, Waxaa kale oo meesha aan ka maqnayn Ganacsatada, iyo dad badan oo socdo ah abwaan xasan dhuxul Laabsaalax islamarkaana ah Gudoomiyaha Xidigaha geeska ayaa munaasibadaa ka jeediyay ka hor intii aanu maansooyinka gudo galin , hadal dhinacyo Badan leh oo ku soo ururaayay Dhiirigalinta aqoonta waxaanu yidhi kalmado iyo odhaahyo ay aad ugu bogeen ardaydii xafladaasi ka soo qayb galay waxaanu abwaanku yidhi, Ardayda waxaan Leeyahay- Halgn baad ku jirtaan aad Naftiina iyo Noloshiinaba ku Xoraynaysaan-,waxaad qoysaskiinii, dalkiinii iyo Dadkiinii Uga soo Baadiyowdeen Waa Inaad AQoon korodhsataan Si Aad Uga Xorowdaan Cudurka Dalalka geeska iyo afrika Inteeda Badan aafeeyay ee Jahligu sidaa darteed Waa muhim wakhtiga oo cimrigiina weerar ku haya inaad ka faa,iidaysataan-mana jirto Fursad maanta ku soo martay oo ka faa,iidaysigeedu Dib ku soo maraysaa abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ka hadlaayay Kaalinta ay aqoontu ku leedahay horumarka aadmiga isla markaana dunidan u badashay wuxu yidhi- Tusaale ahaan 19960 iyo maanta oo 2016 dunidu isku meel ma taagna Sababta ugu wayn ee arintaasi badashayna waa aqoonta-Hadaba siday aqoontu dunida u badashay qolooyinkiina ardada ah naftiina ha u badaso oo dalkiiNII kula noqda aragti qof qoys iyo qaran lagu badali karo balse hadaad idinkii Halkan jaamacado ka Dhameeyay aad dalkii ku noqotaan ood garanwaydaan si aad u noolaataan Abwaanka oo doorka dadaalku uu ku leeyahay horumarka qofka ka hadlaayay waxa kale oo uu yidhi- ha sugin cadeed kuu kuu dhalatay inay kaaga wanaagsanaato tii kuu dhacday laakiin yeelo han iyo hami iyo higsi suuro gal ka dhiga inay kaaga wanaagsanaato abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo Si wayn suugaantiisa ay U Xiisaynayeen DadkiI xafladaasi ka soo Qayb Galay ayaa soo bandhigay maansooyin dhawra isagoo ku bilaabay kana sheekeeyay siday ku timid maansada La guurso Maxaad ku keentay? hadaan soo Qaadano tuducyo maansadaa ka mid ah waxa ka Mid Ahaa Ninkii tiisaba kafeeya Ayaa tu kalana kalkaala Xilkana korodhsiimo qaada Kariim ubadkuu ku siiyay Adoo kibir kaga dhaqaaqay Adoo kas cad uga huleelay Hankooda adoo karbaashay Agtooda adoo ka keefay Adoo kulankooda diiday Miyaad qaar kale korriinka Xilkooda kafaalo qaadday –Middaad kurtinoow aroostay — Nin kaamila taa ku moodday Wallee kabeheed ma yeella Iyaba way kaa war keeni Kulaylkana way muquuran Karbaashkana way la goohi Kor iyo hoos bay u ooyi Hadday soo laba kadlaysay Barriba way sii karaari haday islahayd nin keenso Kurbada way ila dareemi Dabkiyo naartay kulaashay Dhibtaad hanfadow u keento Kun jeer bay qoomamayni. Waxa Kale Oo Abwaanku Halkaa ka Akhriyay Maanso Magaceeda la yidhaa Digniin- oo aad ugu dheeraanaysa kaalinta nolosha ay ku leeyihiin Haweenku iyo Maanso duco ah oo la yidhaa Xamdi Naq- tuducyo ka mid ah maansada Xamdi Naqi waxay ahaayeeen Intii Xumahay Ku Foogan Xiqdiga Laab Iigu haysa ifiyo Aakhiro Xagayga- Xorbaan U Cafiyay naftooda Xurmaan u Hibeeyay Toosan- Abwaan Xasan dhuxul Laabsaalax oo su,aalo Farabadan ay dadkii xaflada ka soo qayb galay waydiiyeen ayaa si aftahanimo leh uga jawaabay waxaanu ka sheekeeyay, Siday ku yimaadeen Heeso caana oo uu hal abuuray- Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|