Degmada Tog Wajaale ee gobolka gabiley ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa halkaasi ka jiray xaalad nabadgalyo xumo xoogleh, oo sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo uu tooray ku dilay wiil kale oo dhalinyaro ah,inkastoo dilkaasi ay ka heshiiyeen labadii dhinac ay ka soo kala jeedeen marxuumka iyo gacan ku dhiigluhu,hadana wali degmada tojwajaale waxa ka taagan xaalad ,cabsiyeed oo soo foodsaartay.bulshada rayiidka ee halkaa kunool,oo cabsi wayn ka qaba kooxo.dhalin yaro ah oo habeenkii kuca dil baadhasho iyo boob, ay kula kacaan ganacsatada iyo dadka ku sugan suuqa ganacsiga ee degmada togwajaale.
Qaar ka mid ah dadka waayeelka ah eeku nool magaaalada towajaale oo ka cudur daartay inaan magacyadooda la baahin oo arintan walaaca ka muujiyey ayaa sheegay inay arintan budhcadnimadu, ay bilaabantay markii ay istaagay ka ganacsigii tahriibinta dadka itoobiyaanka ah ee oromada oo degmada togwajaale lagaga soo daad gurayn jiray gaadiidka,noohooyinka ee khanida loo yaqaan,kuwaasi oo laga qaadi jiray lacago badano oo dhalinyaradani ku qabeen kharash badan oo ahaa xaga isku xidhka rariibayaasha iyo gaadiidlayda waxaanay intaasi ku dareen in dhalinyaradani ay ku mameen lacagahaasi haatan ay bilaabeen boob jidgooyo dil iyo budhcadnimo ku faaftay guud ahanba degmada tojwajaale,maamulka degmada tojwaaaleoo kaashanaya odyaasha degaanka ayaa bilaabay hawlgallo kala duwan oo la doonayo in waxa lagaga qabto balse sida warar xogogaal ahi noo xaqiijiyeen waxa meesha ka maqan wada shaqayntii maamulka degmada iyo gudoomiyaha gobolka gabiley mustafe cabdi ciise shine oo sababtay inay xaalada nabadgalyo ee degmada tojwajaae ay faraha ka sii baxdo ka dib markii maamulka degmada tojwajaale ay ka codsadeen gudoomiyaha gobolka inay u baahanyihiin ciidan xoojin ah oo kala hawlgalla soo qabqabashada dhalinyarada,ayaa gudoomiye mustafe cabdi ciise shiine kaga jawaabay inuu amar ku siiyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka gabiley inuu soo qaado 10 askari oo ka mid ah saldhiga wajaale isagoo ku sababeeyey inay ka qaybgallayaan tabobar muhiim ah.
Qaadista 10ka askari ee ka tirsanaa booliska degmada wajaale ayaa noqotay mid niyad jab ku keentay maamulka degmada iyo odayaashii ku hawlanaa,sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa dhalinayrada budhcada, ah ee ka dilaacday degmada togwajaale,sidoo kale gudoomiyaha gobolka gabiley mustafe cabdi ciise shine ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay sidii maamulka degmada tojwajaale loogu samayn lahaa baadhis musuq maasuq iyadoo ay kooban tahay mudada uu xilka hayo gudoomiyaha cusub ee degmada togwajaale oo ay haatan ka soo wareegtay 20 maalmood oo qudha, gudoomiye musafe shine ayaa ka hor istaagay xil wareejintii gudoomiyihii hore ee degmada tojwajaale iyo gudoomiyaha cusub ee wakhti xaadirkan haya xilkaasi
,Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in talaabooyinka iyo ficilada gudoomiyaha gobolka gabiley mustafe cabdi ciise shiine ay ka xumaadeen dhamaan odayaasha waxgaradka iyo maamulka degmada tojwaale oo la filayo inay usoo kicitimaan caasimada hargeysa si ay ula kulmaan masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha,oo ku shaqo leh amniga iyo nabadgalyada guud ahaanba dalka.
QALINKII; Cabdicasiis Cumar Faarax
wajaale somaliland
cabdicf@gmail.com