Dilalka saraakiisha ciidanka Somaliland ayaa noqday mid si joogto ah, u soo noqnoqonaya muddooyinkii ugu dambeeyey. Dilalka ayaa ka dhacay meelo kala duwan iyo weliba siyaabo kala duwan. Waxa la yidhi” meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”, dhacdadii ugu dambaysay waa tii dhacday 17/12/2015 ee magalaada Berbera toogasho uu ku diley askari ka tirsan ciidanku, Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil. Ugaadhsiga Saraakiisha ayaa curtay wakhtiyadii uu xukunka ka sii degayey Madaxweyne Daahir Riyaale, waxaana wakhtigaasi askari dil-toogasho ah ku diley Taliyihii ilaalada Madaxtooyada. Balse dilalka saraakiisha ayaa noqday tusbax furtay sannadkan sii dhammaanaya ee 2015-ka, oo inta badan ay dhaceen dilalku. Aakhirkiina dilalkaasi ayaa soo caga-dhigtay Gobolka Saaxil oo dhawaantan uu dilku ka dhacay.
Taariikhda Dilalku dhaceen
Dabayaaqadii Sannadkii 2009-kii waxa magaalada Laascaanood qarax miino lagu diley Taliyihii Qaybta 12-aad ee ciidanka Qaranka Marxuun Gaashaanle sare Cismaan Yuusuf Nuur.
Horraantii Sannadkii 2011-kii waxa magaalada Laascaanood askari ka tirsan ciidanku toogasho ku diley Taliyihii ciidanka nabadsugida ee Gobolka Sool Marxuun Maxamuud Maxamed Xirse oo Asad lagu naanaysi jiray. Sidoo kale waxa isla weerarkaasi lagu dhaawacay ku-xigeenkiisii. Hawlagalka uu ku dhintay sarkaalkani ayaa ahaa markii koox dhallinyaro ahi ay jidka ku xidheen dhagxaan, ka dibna uu ciidanka Boolisku bannaynayey jidkaasi.
Dabayaaqadii Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool toogasho lagu diley sarkaal la odhan jiray Marxuun Gaashaanle-dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale Mire oo lagu naanaysi jiray Liji. Sarkaalkan ayey toogashadiisu timid markii ay ciidanka Qaranka Soomaalilaan qabsadeen deegaanka Saaxdheer.
Dabayaaqadii Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Arabsiyo uu askari toogasho ku diley Taliyihii saldhiga degmada Arabsiyo Marxuun Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi Case). Askarigii dilkaasi geystay gacanta ayaa lagu dhigay.
Dabayaaqadii isla-Sannadkii 2014-kii waxa magaalada Qorilugud ee ka tirsan degmada Buuhoodle askari toogasho ku diley abaanduulihii Guutada 17-aad marxuun Dhamme Maxamed Yuusuf Aw-Rabaax. Sidoo kale waxa isla-weerarkaasi askarigu toogasho ku diley Taliyihii hawlgelinta ee Guutada 17-aad marxuun Xiddigle Jaamac Bidaar. Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigin Askariga dilka u geystay labadan sarkaal ayaa hore ugu dhex-xidhnaa xerada ciidanka arrin anshax marin ku saabsan awgeed.
Horraantii Sannadkan 2015-ka waxa deegaanka Ceelbuh oo ka tirsan Ceerigaabo askari toogasho ku diley laba-Xiddigle Baashe Cabdi Cali oo ahaa Taliyihii Guutada 93-aad saldhiga3-aad ee ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay halkaasi. Askarigii dilka geystay gacanta ayaa lagu dhigay, siday sheegeen ciidanku wakhtigaasi.
Horraantii Sannadkan 2015-ka sidoo kale waxa deegaanka Gambadha ee gobolka Sool askari toogasho ku diley laba-Alifle marxuun Caydaruus Cawaale Shaacuur oo ka tirsanaa Guutada 8-aad ee ciidanka Qaranka. Askariga toogasha ku diley sarkaalka ayaa ka tirsanaa isla-guutada 8-aad.
Badhtamihii Sannadkan 2015-ka waxa magaalada Boorama maalin Barqo ah uu askari toogasho ku diley Marxuun Xiddigle Farxaan Carraale. Sidoo kale wuxuu askarigu dhaawacay Gaashaanle sare Xasan Caqli. Masuuliyiinta dawlada ee gobolka Awdal ayaa warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqiyey dilka iyo weliba qabasha gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay.
17/12/2015 waxa magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil askari toogasho ku diley Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Marxuun Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo). Askarigii dilka geystay waa la qabtay, isla-markaana dil ayaa lagu xukumay
Sababaha Dilalka Loo Aanaynayo
Si dhab ah looma oga waxa keenay dilalka saraakiisha, balse waxa jira faallooyin badan oo laga bixiyey wax dilalka keenay. Siyaabo kala duwan ayey bulshada iyo khuburada Milaterigu u falanqeeyeen dilalkan soo noqnoqonaya. Bal aan soo qaadano aragtiyaasi kuwa ugu shilis:
Dadka qaar waxa ay ku doodaan, inuu jiro dulmi ay ku kacayaan saraakiishu, oo ay u geysanayaan askarta, taasina waxa ay dhalinaysaa inuu askarigii dulmanaha ahaa ficil kaga jawaabo, oo uu dil geysto.
Dadka qaar waxa ay ku doodaan, in ay jirto kibir iyo fatoosh ay askarta qaarkood galaan, taasoo ah inaan waxba laga qaadi Karin, maadaama markii hore ee ciidanka la qorayey ay iyagu qoriga siteen, markaa ay madax bannaan yihiin. Ka dibna markuu khalad galo ee la anshax mariyo uu ficil dil ah ku kaco. Sidoo kale marka askariga shaqada laga fadhiisiyo inaan qoriga laga xarayn, ka dibna uu si fudud dil u geysan karo.
Dadka qaar waxa ay ku doodaan, in ay jirto cabasho ka taagan dhinaca mushaharka iyo derejada, ka dibna ay dhaliso muran keena ficil dil ah. Sidoo kale marka la anshax mariyo ee uu in muddo ah la xidho askariga ee la soo daayo uu ficil toogasho ah kaga aargoosto sarkaalkii xidhay.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.