Taliyaha Ciidanka Tulba Taariyada Ee Madaarka Cigaal Oo Uga Mahad Celiyay Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Dhisme Cusub Oo ay U Dhistay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Tulba Taariyada Ee Madaarka Cigaal Oo Uga Mahad Celiyay Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Dhisme Cusub Oo ay U Dhistay,
December 31, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa mudadii ay joogatay wasaaradaas ku talaabsatay Waxyaabo Badan oo ku dayasho mudan Islamarkaana Muhiim u ah Baahiyaha Aas aasiga ah ee bulshada qaybaheeda kale duwan iyada oo ka samaysay adeegyo Horumarineed oo la taaban karo oo ay kamid yihiin dhiirigalinta bulshada ee arimaha horumarka, caawinta xarumaha Agoomaha, Daryeelka ciidamada amaanka ,taageerida dadka baahan, kor u qaadista dhismayaasha goobaha waxbarashada iyo waxqabadyo kale oo aanan ku soo koobin karin warbixintan.

dhismaha ciidanka tulba taariyada madaarka 11 TULBA TAARIYADA 4

 

 

Hadaba Mar Aanu waxka waydiinay Taliyaha Turbataariyada ee Madaarka Caasimada Hargaysa Mr Xuseen Axmed Xasan  Mire (Qaws)  Ayaa Ka Warbixiyay dhisme xafiis oo ay wasiirada maaliyadu udhistay ciidanka  iyo goobo kale oo dib uhabayn ay ugu samaysay waxaana Yidhi!

samsam

“Runtii Ciidanka Tulbatariyada oo ah Ciidan Heegan u ah Shaqada Qaranka iyo sugida amniga, ilaalinta cashuuraha  mudadii aan halkan joogay kolba waxaanu soo maranay marxalado kala duwan dhamaana waxanu kaga soo gudubnay dadaal  iyo isku duubnaanta,

TULBA TAARIYADA 4

sida aad halkan ku aragto waxaa ka muuqda isbadal balaadhan oo ka hirgalay mudooyinkan waxana xusid mudan in isbadal iyo dhisme cusub lanoo dhisay iyo sidoo kale barande loo sameeyay  hoolka ay dadku Alaabta kala baxaan  markii hore dhib wayn ay naga haysatay oo dadka cadceed dartii aanay  sugi karayn inta alaabahooda labaadhayo si loo hubiyo  waxyaabaha dalka soo galaya.

Sidoo kale waxa taliyahu sheegay ” dhismahan cusub ee ciidanka oo ka kooban hal qol iyo barandahaa loo sameeyay holka iyo goob kale oo loogu  talo galay in ay dadku ku nastaan kuna sugaan alaabahooda  waxaa noo dhistay wasiirada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aanu uga mahadnaqayno kuna bogaadinayo.

KK RR 45

Taliye Qaws oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxu yidhi mudo badan ayaan halkan joogay waxaana nagu soo maray dhowr wasiir oo Xilka wasaarada  maaliyada soo qabtay wali may dhicin wasiir  waxka qabtay baahiyaha ciidanta tulbataariyada waana wasiirad mudan in lagu  daydo  laguna  bogaadiyo hawsha qaranka ee ay hiiganka ugu jirto iyo waxqabka muuqda ee ay ku talaabsatay Marwo Zamzam Cabdi Aadan Ayuu yidhi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS