WAJAALE NEWS

Marti Kama Ahaan Karo! Qalinka Yuusuf Garaad Cumar

Mas’uul sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa mar aan socdaal shaqo ku tegey Addis Ababa waxaa uu ahaa sarkaalka loo xil saaray in uu iga warqabo si kulammada iyo wareysiyada aan la lahaa Madaxda iyo weliba joogitaankeyga Ethiopia ay iigu fududaadaan.

Waxay ahayd xilligii ay ciidammada Ethiopia, iyaga oo aan qeyb ka ahayn AMISOM, ay ku sugnaayeen degaanno badan oo Soomaaliya ah oo ay ku jirto caasimadda Soomaaliya iyo Villa Somalia. Dagaal qaraar ayaa ka socday meelo badan oo ay ugu darnayd Muqdisho. Idaacadda aan ka shaqeynayayna waxaa harqiyay eedeymo, dhaliilo iyo cabashooyin ka dhan ah Ethiopia.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa casho igu casuumay Hotel Sheraton. Saddex Soomaali ah iyo Saddex Ethiopian ah ayaa iyagana la casuumay.  Saddexda Soomaalida ah waxaa ka mid ahaa Wasiir ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo laba saaxiib oo aan u maleynayo in isagu soo casuumay, waxaana midkood ahaa Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed, oo markii dambe Ra’iisal Wasaare ka noqday Soomaaliya.

Kulan dheer oo saacado socday ayaan maalintii xigtay xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda. Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaarihii xilligaas Meles Zenawi ayaan xafiiskiisa ugu tegey wareysi iyo garnaqsi ku saabsan in aan BBC ku shaqeyn fikirka ama dareenka weriyayaasha iyo Tifatirayaasha ee ay si dhexdhexaad ah wararka u soo gudbiso, Ethiopia-na aan BBC-da cidi ka xigin, laakiin aanay Ethiopia afhayeen u sameyn howlgalkeeda Soomaaliya. Waxaan ku dhiirri geliyayay in wixii weydaaran xeerarka BBC ee ay maqlaan ay ka soo dacwoodaan si loo baaro loona saxo haddii khalad jiro, mas’uuliyadda khaladkaasna meel loo saaro.

Soo dhoweyntii wanaagsanayd ee la ii sameeyay darteed waxaa xiriirkeennu sii socday sarkaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo markii dambe si ku meel gaar ah loogu soo beddelay Muqdisho.

Habeen uu iga soo wacay Muqdisho aniga oo London jooga ayuu igu dhiirri geliyay in aan Muqisho imaado. Si uu socdaal iigu qanciyo, wuxuu ii sheegay in uu isagu igu soo dhoweyn doono, qaadayana mas’uuliyadda ammaankeyga.

Waxaan uga mahadceliyay martiqaadka iyo ballanqaadka ilaaladeyda. Intaa ka dib waxaan weydiiyay in uu xusuusto sidii wanaagsaneyd ee uu iigu soo dhoweeyay Addis Ababa. Dabcan wuu xasuusnaa. Waxaan markaa u sheegay in aanan dooneyn in labada caasimadoodba uu isagu igu soo dhoweeyo.

Waxaan u sheegay in aan Muqdisho imaan doono marka aan anigu isaga ku dhoweyn karo.

Saaxiibkeey waxaan Muqdisho ku soo dhoweeyay 2012 iyo haddana 2015.

 

Tusaalahaas waxaan u soo qaatay markii aan arkay dad ajnebi ah oo wata magacyo ka kooban xuruuf saddex ama afar ah amaba ka badan oo loo soo gaabiyay hey’ado ay wakiil ka yihiin iyo qaar Dowlado ka wakiil ah oo u dhaqmaya qaab u eg in iyaga looga marti yahay Soomaaliya.

Dadkani waxay isugu jiraan qaar aan anigu la macaamilay iyo kuwo mas’uuliyiin fara badan oo hey’adaha dowladda ah iyo shaqaalaha hey’adahaasiba ay iiga warrameen.

Aniguba aniga oo Baasabboor Soomaali ah sita ayaan Yurub uga shaqeystay ka dib markii aan buuxiyay shuruudaha shaqo ee ajnebiga looga baahan yahay. Sidaa darteed, macnaheygu ma ahan in aan diiddan ahay in ajnebi uu ka shaqeysto dalkeenna haddii uu wato xirfad aan Soomaalida dalka joogtaa aqoon ama uu wato khibrad loogu xisho oo aan Soomaalida laga heli karin. Ama xataa haddii uu buuxinayo kaalin ay Soomaalidu dhexdhexaadnimo ugu duggaaleyso. Xataa waan aqbali karaa haddii uu hantidiisa dalka ku maalgelinayo in loo sahlo in shaqaale ajnebi ah uu ka shaqaaleysiiyo.

Wixii intaa ka soo hara Hey’adaha Dowladda Soomaaliya ayay mas’uuliyaddooda tahay in ay sugaan xuquuqda shaqo ee muwaaddinka Soomaaliyeed iyo u madaxbannaanidooda go’aannada siyaasadeed, amni iyo kuwa maamul ee dalkooda hooyo

Exit mobile version