WAJAALE NEWS

Mala Fahmay Fool Xumooyinka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye Qaar Kamid Ah Oo Ragaadshay Magaalada Hargaysa ?

Nasiib daro waxay kaga jiraa sideeda dagmo dhanka adeega Bulshada iyo adeega danta guud siiroo waxba la aan

Madax aan war uhaynin waxa kajira xaafaday galan  ayay somalilandna wax kasugaysa

Halkan ka akhri madaxdani xaafaday dakan yihiih siday tahay

(1)   Dagmadda ibraahim kood buur waxa  dagan madaxda xisbiga kulmiye sida muuse biixi cabdi iyo qaarkaloo badan waxakaloo daganaa madaxwaynaha Axmed siiranyo sidoo kale waxa dagan hada madaxwayne kuxigeenka c/raxman saylici sido kale waxa dagan maayirka caasimadda  c/raxman sotelko waxanay kaga jirtaa kalinta ugu saraysa cashuur bixita sideeda dagmo sidoo kale waxay ahayd goobihihii codka ugu badan siiyay xisbiga kulmiye xiligii doorashadii madaxwaynaha

Nasiib daro waxay kaga jiraa sideeda dagmo dhanka adeega Bulshada iyo adeega danta guud siiroo waxba la aan

Tusaale: malaha sariimado oo waxay kujirtaa sedex sariimadood oo

 

 

 
kira ah

Malaha garoomo ciyaalku ku ciyaaran oo waxay tagan garoomo kira ah

Malaha goobo caafimad marka laga reebo afarta qol ee loogu tala galay dhalinta ama xarunta agoomaha oo iyaba iska dayacan oon waxba katarikarin baahida caafimaad ee waaxda koodbuur

Malaha rugo booliis oo suga Amanka xaafadda Sida xaaji faarax+guul allah +gantaala+buurta kala jeexan                                                                                    sidoo kale malaha xaafadahani basas gaadha oo dad u raaco magaalada

Malaha wadooyin ay usamaysay xukuumadan kulmiye waaxda koodbuur marka laga reebo afarkiiloo mitir oo ay dadku bixiyeen boqolkiiba shan iyo todobaatan oo kala ah laba kiiloo mitir ee istanka basaska ilaa buurta Gaandi

Iyo labadan kiiloo mitir ee dalcada jigjiga yar ee boodhka san shayn ilaa albaabka xafiiska xarunta xisbiga kulmiye waxase layaab leh in labadii boqol ee mitir ee udhaxaysay xarunta kulmiye iyo laamida oo loogu talagalay in uu sameeyo xisbul xaakimka iyo xukuumadiisu ay sidii tahay hadana ay kufaanaan waxbaanu qabanay hadh iyo habeenba

Sidoo kale wadada boqol iyo kontonka oo uu hore ubaneeyay mayir jiciir magaalada inteeda kale oo uu ka soo gaadhay kaliya xaafada koodbuur oo uu gacanta kuhayay xil kadagistii wali waa sidii waana halkuu maro mayirku haben iyo maalinba oo aqakiisu kuyaalo

Sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xidha dalka min laascaanood ilaa boorama waa lasoo dayactiraa waxa laga hadhaa oon wax laga qaban inta udhaxaysa kaalinta indha birta ilaa buurta kala jeexan oo ah inta kubeegan Dagmada koodbuur

Sidoo kale malaha wax dugsi hoose ah  marka laga reebo 17may iyo ganad oo iska dayacan oon kahelin haba yaraatee wax kaalma ah iyo kawar hayn xukuumadan kulmiye oo aadna uga fog xaafaddaha xaaji faarax iyo buurta kala jeexan iyo guul allah iyo gantaalaha

Sidoo kale xafiiska dawlada hoose ee waaxda kood buur waxaad moodaa meel gudaafad ah oo waa ka ugu foolxun xafiisyada sideeda waaxood ee hargaysa

Sidookale dhanka nadaafadda waxay kaga jirtaa sideeda dagmo ta uliidata maxaa yeelay majiran wax gaadiid ah oo xashiishka gura marka laga reebo shirkad barayfad ah oo lacag kaqaadda dadka oon kufilayn baahida faya dharka dagmada ood arkayso in uu buuxo xashiish meelkasta oo marto

Sidookale waxa jira xaafado badan oo kamid ah koodbuur sida xaaji faarax xafada irshad ilaa ina jambiir iyo mansoor oo biyaha wakaaladda cabijiray sideedii sano ee ay dalka xukumaysay xukuumaddii daahir riyaale oon helin litir biyaha shantii sano ee uu kulmiye dalka xukumayay

waxase kasii daran maareeyaha wakaalada biyaha oo kula heshiiyay booyadaha biyaha dhaamiya in ay kasiiyaan foostada biyaha ah  laba iyo toban kun oo shilin dagmada kood buur oo uu daganyahay laftiisu halka uu yidhi halaga siiyo dagmooyika kalana sagaal kun oo shilin

daud abdi <malafahmay@gmail.com

Exit mobile version