WAJAALE NEWS

Muuse Biixow Maalinta Ciidda ka Horreysa Ha Ciidin !(Qalin Maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim)

Muusow Adeer Ragga Qaarbaa marka ay gabadha u geed fadhiistaan ee la siiyo mooda in ay hawli ba halkaa ku gam tidhi,hasa yeeshee, Munaasibaddii Guurka oo ta meherka aad uga hawl iyo kharashba   badan iyo xaal guri oo dhan iyo Biilkiiba way hadheen!.

“28 Jir reer Bunjaab ah ayaa guur u holaday,wuxuu mehersaday gabadh gayaankiisa ah, meherkii ka dib ayay gabadhii uga baahatay kharashaad yar yar.  Abbihii ayuu u yeedhay si uu talo iyo xog ku saabsan guurka uga qaato, goor casar ah ayay meel bunka laga cabbo ku sheekaysteen wiilkii iyo aabbihii, Wiilka su’aasha ugu weyn ee karka ku haysaa waxa weeyaan; Guud ahaan inta kharash ku baxda Guurka. Sidaa darted, ayuu Odaygii u waydiiyay aabbo isku geyn imisaa guurkii hooyaday kaaga baxday?

Odaygii oo dhoola caddaynaya ayaa si xeel dheeri hadal ku jirto ugu hal celiyay AABO WALAAHI GARAN MAAYO, WAAYO XALAY OO UGU DANBAYSAY HOOYADAA LACAG BAAN U DHIIBAY ILAA MAANTAAN IS MEHERSANAY WAY SOCOTAY UUN’’

Adeer sida wiilkaa reer Bunjaab ha u fikirin, imikana meherkii ayuun baad joogtaa, wali la isma gaadhin, haddaad kursiga dalka ugu sarreeya ku guulaystana hambalyo. Hal na waa iga talo aan hawada kuu soo marinayo, Nalsan Mandela hal shay kaga dayo ( Cafiska/ Tanaasilka) Oo raggaa aad loolanka adag wada gasheen ee waliba mid kale oo kan ka sii adag kula gali doona, haddii aad ka gacan sarrayso oo aad ka Aargoosto waxa ay muujinaysaa in Hoggaannimadaada ay wax qabyo ka yihiin.

Exit mobile version