WAJAALE NEWS

Muuse Biixi Talaabooyin Siyaasadeed Iyo Tallooyin La Gudboon.

Laga soo bilaabo 2002dii ilaa hadda oo aynu taaganahay 2015kii waxa aad halgan dheer usoo martay sidii aad maruun kursiga ugu sareeya Xisbiga Midnimda Iyo Horumarka​ somaliland aad u hanan lahayd kaasi oo ah musharaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbigaasi, guushani may ahayn mid aad dhayal kusoo gaadhay se waxay ahayd mid xanafteeda lahayd, duruufteeda wadatay, oo aad in badan usoo samirtay.

sida oo kalena waxay ahayd guul taariikhi ah oo  siyaasi ah taasi ood kala soo dhex baxday laba dhagax dhexdood.

Waxaad soo martay marxalad aad ku sigatay inaad ka dhacdid salaanka siyaasadda ood saaxadda ka baxdo , haddana rabitaankaaga iyo qorshahaaga siyaasiga ah oo ahaa mid aad u samir badnaa oo dulqaad badnaa sida oo kalena ay wehelisay waayo aragnimo ayaa waxa uu kuu sahlay inaanad ku sinbiriirixan salaamadaas iyo suuldaarooyinkaas siyaasada.

Waxaad ciyaar adag aad lasoo gashay qoodh iyo qoorweyn intii ugu awooda waynayd siyaasadda somaliland. waxaad ciyaarta wada bilawdeen ood kasoo guulaystay asxaab aad siyaasadda, halgankii barakaysnaa ee dalka lagu soo xoreeyay iyo waliba dib u yayabkii dalkaba mar garoonka soonwada gasheen.

Waxaad kasoo dhex muuqatay xisbi aanad joogin dhagax dhigiisii ugu horeeyay se laba sanno kadib maalintii la aasaasay aad noqotay tiirarka ugu adag iyo baalasha lama liiciyaanka ah ee xisbigaasi yeeshay.

Muuse waxaad soo muujisay karti badan iyo dulqaad badan kadib markaad 2014kii aad xamishay loolankii ugu adkaa ee abid uu ruux siyaasi ahi xisbigiisa ka dhex galo, isla waqtigaas waxaad loolan siyaasi ahi oo ahaa loolanadii taariikhda galay ee somaliland soo maraa iddin dhex maray oo dagaal siyaasi ah oo qadhaadh iddinku soo qaaday adiga oo ahaa guddoomiyaha xibsiga iyo guddoomiye kuxigeenka xisbiga waa maxamed kaahine wasiiro, marwooyin iyo  qoodhweynta madaxtooyada somaliland(political elites) oo usoo tafoxaytay sidii aad uga bixi lahaydeen saaxadda siyaasadda iyo sidii aad markaliyaata u sinbiririxan lahaydeen ood isugu samayn lahaydeen isqarxin siyaasadeed(political suicide)oon kasoo laabasho lahayn.

Waxaad ku sigateen inaad isqarxisaan oo danbaskiina inta aayar la ururiyo xataa aan laydiin samayn aas qarane(national funeral) laydin sameeyo ku wiirsasho qaran.

Mar baad dhuumaalaysi adiyo maxamed kaahin aad kaga bixi gaadheen dalka ood odhan gaadheen” wixii na helaan la yaabnay”. Waxa la iddiin adeegsaday awood xukuumadeed, maaliyad aan caadi ahayn iyo warbaahin afmiishaar ah leh oo dacaayado fidinaysa, waxa dhacday inuu noqday xisbigiinu isla xisbiga uu madaxweynaha qaranka iyo wasiirka arrimaha gudduhu yidhaahdaan” garabka hogaanka xisbiga haya ayaa shaani qarxinaya” oo markii danbe se ku danbaysay malo-awaal iyo inay ahayd waxba kama jiraan ay soo abaabuleen garabkii madaxtooyada ka ag dhawaa oo rabay in shaanbadda shaanidu dadka iddin nacsiiso!!!!.

Halgankaasi aadka u qadhaadh waxa uu gaadhay inaad hal hotel ku shiri kariwaydaan, waxa uu gaadhay In sawiraantiina waa adiyo guddoomiye kuxigeenkee la ogolaan waayay in magaaladda lagu dhex arko!!!!! Waxani may ahayn ciyaar iska socotay oo bilaa fikrad ahayd se waxay ahayd ciyaar la rabay inaad goolka iska dhalisaan kadibna aad aayar adiga iyo ku xigeenka xisbiguba aad kaga baxdaan xisbiga inta aad cadhootaan..

waagaasi waxa dhacday in inbadani ku tiri” ganacsatada dalka ugu waaweyn baad haysataa, shacabka aad haysataa ma yara taariikhdaaduna ma xumee ee xisbigan la iddinku silcinayo burburiya oo kadibna ku biira xisbigaasi ucid” se adiga oo ogsoonaa karaaamada iyo sharafta ay leedahay jiritaanka xisbiga kulmiye waxaa aad si yar ah oo dagan aad ugu fikirteen halgankani sababta ugu weyn ee laydin kula jiraa maxay tahay? Yaa ka danbeeya oo dhab ahaan mishiinka furaha ku rogaya? Madaxweynuhu door intee leeg buu ku leeyahay? Haddaad xisbiga burburisaan halkeed ku danbaynaysaan iyo su’aalo kale oo badan? Markaad intaa iswaydiiseen baa waxaad go’aan ku gaadheen inaad aayar aayar aad xididka ugu siibtaan isha ugu weyn ee ay kasoo burqanayso dagaalkani laydinku hayaa iyo inaad garabada qaybta aan fogayn aad gacanta ku dhigtaan soona dhaweysataan!!!!

Waxay ahayd talaabo na tusisay aniga iyo shacabkaba bisaylkaaga siyaasiga ahaa, dulqaadkaaga,hankaaga iyo sida aad hadda u noqotay furfure awooda kala daadinta xadhka murgan ee hanaan socodkiisa siyaasiga ah laf dhuun gashay ku noqday.

Aayar baad shir jaraa’id aad qabatay ood ku tiraabtay inaad u tanaasushay madaxweyne siilaanyoo!!!! Waxay ahayd tani go’aan la qaato kii ugu adkaa iyo waliba fikir siyaasi ah kii ugu saliimsanaa. Maalintan inbadan way kula yaabanayd se waxayna fahansanyn inaad hadda tahay siyaasi fogaan arag ah. Waxay tani suuro galisay badbaadinta aad badbaadisay kursigaagii guddoomiyenimo, waxa kale oo ay u qaadan waa ku noqotay intii dagaalka siyaasiga ah kugula jirtay oon marnaba filayn inaad sidan u bislaatay!!!!.

Muuse maalintani waxay ahayd maalintii aan anuu shaqsiyan 5 tii dhibcood een kuu hayay aan kuugu daray 2 xidigood oo kale. Maalintan waxaan kuu aqoonsaday 7 xidigle siyaasada ku qaangaadh ah. Guushaasi aad gaadhay waxay noqotay mid bartay dadka bislaanshaha muuse, dulqaadka muuse, waayo aragnimada muuse, hanka muuse iyo fogaan aragnimadaada.

Marna lama filayn muuse ayaa cid wax uga tagi laakiin waad beenaysay waxii la aaminsanaa. Maanta waxaad markaasi tahay shaqsi lagu aamini karo somaliland oo la tijaabiyay waayo aragnimadiisa siyaasiga ah.

Waayo waxaad kaga duwantahay cirro kasoo dudistii UCID iyo la feedhtankii BAASHE.

Halka aad jamaalna kaga duwan tahay kasoo dudistii UDUB iyo lasoo caytankii FAYSAL ee uu dhawaan dubai kasoo jeeday(waxa intaasi kuu dheer maxkamad la tagida uu la tagayo guddoomiyaha xisbiga oo muujinaysa qorshe la’aantiisa iyo u bisayl la’aanta hanashada qalbiga guddoomiyaha si lamid ah sidaad madaxweynaha u hantiday).

Hadda, waxaad la mid noqotay hogaamiyaasha taariikhda galay ee ay loodin kari waayeen wasiiro iyo madaxtooyo badh ah oo isku dhafani.

Waxaad na tustay in hadalka iyo cadhada uu fikirkuu ka horeeyo.

Waxaad hadda noqotay siyaasiga somaliland tusaalaha ugu noqon doona:

SAMIRKA, FIKIRKA IYO XIDHIDDA XADHAKAHA SIYAASIGA AH.

Waxaad taariikhda ku gali doontaa qorshihii taariikhda galay ee 15kii xubnood ee wasiirada iyo agaasimayaasha iskugu jiray gacmahooga iskugu sadqeeyeen kadib markii aad siyaasad  xeeldheer aad la ciyaarteen. Waxaad noo muujisay muuse inaad awoodid dhabar jabinta cadawga iyaga oon cid kale loo soo marayn se isla iyaga uun laysku adeegsanayo, waxaanan hubaal ku hanweynahay in somaliland cadawgeeduna iyaga oo iswada ina odhan doonaan waanu iddin aqoonsanay!!!!!.

Haddaba, waxaasi oo halgan siyaasi ah(political struggle) waxa ugu dambeeyay guushii taariikhiga ahayd eed adiyo madaxweynaha dalku ku tusiseen caalamka dimuquraadiyada, furfurnaanta iyo xalaal iftiin qalashada xisbiga kulmiye dhexdiisa ka jirta. Waxa uu madaxweynuhu caalamka tusiyay noqoshada madaxweynayaasha dhifta ah ee xukunka ka daga iyaga oon marlabaad xukunka loo kordhin.

waxa uu xaqiijiyay madaxweynuhu hadalkiisii ahaa” haddii mar lay doorto marlabaad lay dooran maayo”. Hambalyo ayaan leeyahay kulmiye iyo siilaanyoba waayo waxay na tusiyeen aaminada aanu aamini karnaa intay leegtahay.  isla intan uun maahee waxay na tusiyeen hadalkii uu muuse ilaa madaxwetnenimada ka hor ku amaani jiray madaxweyne siilaanyo ee ahaa ”

“siilaanyo waa NELSON MANDELLAHA SOMALILAND” tiina way rumawday.

Kulmiye hogaankiisu waxay muujiyeen inaanu marna noqon xisbigu mid aanay ku jirin cid bilaa han ahi se ay ka buuxaan qoorweyn han lihi , tanina way suuro gashay oo muddadaas 15ka sanno ahaa ee uu xisbigu jiray waxa booska madaxweynenimo u tartamay 7 xubnood hadhaw halagu kala hadho amaba halaysku tanaasulee. Wali tanni kamay dhicin xisbi kale oo somaliland gudaheeda ka jira.

10kii november oo ahayd maalin taatiikhda ku suntanna waxay ka mid ahayd maalin kamid ah maalin markale ka dhigtay in musharaxnimada madaxweynenimo iyo ku xigeen ee xisbigaasi loo tartamo, waxa tartankaasi hore u cadaystay intay ka qayb galayaan 4 musharax madxweyne iyo 4 ku xigeen se nasiib darro 5 xubnoodi waxay xamili waayeen tartankaasi kadib markay arkeen in waxay aaminsanaayeen been noqday!!! Oo ay ku guuldaraysteen inay gacanta ku dhigaan aqlabiyada xisbiga tanina waxay ka dhigtay niman yeelan waayay adkaysi iyo isku dulqaadasho siyaasi ah oo dibad meer noqday.

Tartankaasi wuxuu noqday xalaal aanu hal madaw ahi ku jirin. Waxa goob joog ka ahaa waddamado ka socday dalalka jaarka, labada guri ee somaliland   iyo saxaafada somaliland midkoodna kama soo warin hal talaabo oo isdaba maris ah iyo musuqmaasuq toona ah.

Waxa uu kaga duwanaa shirweynayaasha kale ee afrika ka dhaca inuu ahaa shirweynihii kulmiye mid si live ah looga daawanayay shaashadaha afka somaliga ah ku hadla eee somaliland leedahay gudde iyo dibadba.

Waxay ahayd waxaan hore u dhicin oo ahayd inay mar wada tiriyaan dadweynaha caalamka ka daawanayay iyo guddida golaha dhexe ee doorashada hagaysayba maadaama oo tiifiga si too sah looga daawanayay.

Si cad oo xalaal ah baa loogu kala guulaystay, ciddi shirka kama bixin kamana dudin ee iyaga oo laysku wada niyad sanyahay ayaa kii laga guulaystay iyo kii guulaystayba isku hambalyeeyeen!!!! Waligeed ma dhicin shir noocan ahi…. Inta aaminsan in shirka la afduubay waxay ahayd inaan ogsoonayn in kaliyaata 17 xubnood ka maqnaayeen shirka, waxay ahayd in iska indho tiraysa beenta iyo isku camirida  xubnihii banaanka joogay oo kusoo gabogaboobay aqlabiyaday lahaayeen waanu haysanaa oo noqotay 17 qof.

Haddaba, waxaan kusoo gabagabaynayaa qoraalkaygan dheer  talooyin aan jeclaa in hadiiba uu muuse wax ka qaato wax badan u taraya.

TALOOYIN!!

Muuse waxaad kasoo kifaaxday caqabado adag oo ay adagtahay in lasoo jabiyaa se hadda toggii herer waxa uu kugu soo daray badweyn ay tahay in aan lagu harqamin oo dabaasha intii hore laga sii adkeeyo.

Mudane waxaad hadda ku dadaashaa:

 

 

Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga

 

W/Q: MOHAMED ABDILAAHI BIIHI

ADDIS-ABABA, ETHOPIA, MEDICAL STUDENT.

FB:DRKINGBIIHIYARE.

Exit mobile version