|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxdhaqameedka Gobolada Hargaysa Iyo Gabiley Oo Tacsi Udiray Qoyskii iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) Oo ku Geeriyooday Jabuuti.
November 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxdhaqameedka gobolalada Hargaysa iyo gabiley ayaa waxaa ay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka somaliland geerida ku timid Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahim (IbraahimDheere). IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN MADAXDHAQAMEEDKAN OO UU HORMUUDKA YAHAY SULDAANKA GUUD EE GOBOLADA HARGAYSA IYO GABILEY SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAMAAN. CHIEF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE CAAQIL CABDI CUMAR CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN CAAQIL CABDILAAHI QALINLE FARIID CAAQIL MAXAMED CABDILAAHI XAREED
Waxa ay tacsi u dirayaan guud ahaan Ganacsatada Dalka, Qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay ,wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, , iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland, iyagoo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015. sidoo kale waxay Tacsi taa la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka. Ganacsade marxuumka IBRAAHIM DHEERE ayaa ahaa ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha. waxa aanu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|