Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye Oo kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Huteel Green Plaza Iyo Tuhunada Siyaasadeed Ee Ku Xeeran. SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye Oo kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Huteel Green Plaza Iyo Tuhunada Siyaasadeed Ee Ku Xeeran. SAWIRO
November 15, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Garabka isbahaysiga Murashixinta Dimuquraadiga Ee xisbiga kulmiye oo Manta Magagaalada Hargaysa ku yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo  Ahaa kulan Qado ah loona  ogalayn saxaafada, balse shabakada wajaale news ayey u suurta gashay in ay sawiro ka qaado hoolka Green plaza oo ku yaal Magaalada Hargaysa Ee shirkan Albaabadu U Xidhnaa ka qabsoomay.

garabka isbahaysiga 1 garabka isbahaysiga 2 garabka isbahaysiga 3 garabka isbahaysiga 6

Majirto warar Rasmiya oo laga soo saaray kulanka Albaabadu u xidhnayeen ee ay yeesheen musharaxiinta isbahaysiga kulmiye,  warar xogogaala oo wajaale news  ka helay kulankasi ayaa tibaaxay in garabka isbahaysiga dimuquradiga Xisbiga kulmiye  shirka kaga arin sanayeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyadoo maalmihii u danbeeyeyna ay dhaliilo culus warbaahinta u mariyeen madaxwayne siilanyo iyo Garabkii kale ee Hotel mansoor ku qabsaday shirwaynaha.

garabka isbahaysiga  8 garabka isbahaysiga  5 garabka isbahaysiga 9 garabka isbahaysiga 11

Garabka isbahaytay ayaa  ku eedeyeen  Gudoomiyaha xisbiga kulmiye  iyo Madaxwayne siilaanyo  in  ay ku tunteen Dimuquraadiyadii somaliland iyo sharciga u yaalay xisbiga kulmiye, waxanay ku kaceen  Awood maroorsi iyo sharci jabin.

si kastaba ha ahaatee  Garabka isbahaysiga ayaa leh saamayn baladhan oo siyaasadeed,iyagoo ahaa aasasayaashii xisbiga kulmiye islamar kana ahaa  Wasiiradii ugu miisaanka cuslaa  ee iska casilay xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo xubnihii shirgudoonka Golaha wakiilada iyo sidoo kale hogaankii xisbiga kulmiye. Ayaan la saadaalin karin talaabooyinka ay qaadidoonaan.

garabka isbahaysiga 7 garabka isbahaysiga 3

WAJAALENEWS DESK

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS