WAJAALE NEWS

Dalku Waa 3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya!

Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda. Iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka faaloonaya oo an anigu ku jiro.   Saddexdaa kun oo intooda badani joogto Hargeisa marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto umad kale oo hadhey oo la rabey in loo shaqeeyo.

Kunkan dawladdu xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu marmarka qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa tala ka sugaya oo 5 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay intooda habeenkii casho la’aan ku seexata.

Ibrahim Mohamoud Abyan (AHUN) ayaa beri la weydiiyey oo la yidhi horta maxaa joornaalkan dawladda ee Xidigta Oktoobar xafiiskaaga loo keeni waayey aroortii waata la geeyo xafiisyada kale e dawladda oo dhan e? wuxu yidhi anigaa diiday oo idhi waxba ha ii keenina wakhtiga uunbey iga qaadeysaaye. Waxa kaluu yidhi, Joornaalkuba aroorkasta waxa uu ka sheekeynayaa 6 nin oo an jaar nahay oo labana dhooftey oo garoonka lagu sii sagootiyey, iyo laba dalka ku soo noqotey oo garoonka lagu soo dhaweeyey iyo laba kale oo siminaar ama shir meel ka furey. Lixdaba waa wasiiro anu jaar nahay oo an maalin kasta is aragno. Ma lixdan nin uunbaan kolba kii dhoofey iyo kii soo degey sheekadooda hayaa miyaaney jirin dano kale oo umadda beylah ka ihi?

Bal hadda ka bax Hargeisa oo tag tuulada Ceel-Gaal oo xaga jabuuti xigta ama haba fogaane kor u bax oo tuulooyinkan Hargeisa u dhow ee Daba-Baargo iyo Cunaqabad gaadh, ama woqooyi u bax oo Dawga-Cad booqo. Umadahaa dhulkaa ku nool oo dhan duruufo gaar ah ayaa heysta oo ay kaala hadlayaan oo aan aheyn waxan magaalada lagu xiiqey. Duruufaha iyo danaha heystaa sidaaba uuma weyna oo qaarkood taagtoodu waxa ay taagantahay biyo la cabbo halka qaarna ka hadlayaan dawada kaneecada. 5ta malyuun ee shicibka ah ee dalkeena ku nooli intooda badani dawladnimada wey niyeysteen oo wey aamineen sida aynu inaba diinteena la inoo soo gaadhsiiyey ee aynu qaadaney, balse manaafacaad badan kamey arag.

Marka ad magaalada joogto ee ad dhageysta xamasadda iyo waxa laga doodayo, waxa ad arkeysaa in umaddiiba ku soo ururtay 3,000 oo fadhi ku dirir ah iyo 5 malyuun oo shicib ah oo duruufi heysato oo toodii cusleysey oo aan waxanba la socon. Labada wasiir ee xilka kula kala wareegaya ee qaarkeen ka cadheysanyihiin sababta hebel loo bedeley, halka qaarkeena ku faraxsanyihiin ka cusub ee la saarey iyo kuweenna kale ee labadaa ka faaloonaya waxa ka maqan in dadka la rabo in loo shaqeeyo aaney aheyn waxan an mashquulka ku nahay ee ay yihiin dad kale oo taag yar oo aan awoodoodu gaadhsiin kareyn iney joornaal wax ku soo qoraan ama TV ka hadlaan ama mudahraadaan oo cabashadooda muujiyaan.

Annaga oo baabuur wadana goor habeenimo ah oo mareyna keyn cidlo ah oo u dhow tuulada Xeydaanle ayaan aragney gabadh ilmo yar dhabarka ku sidata oo ayda dhex mareysa. Baabuurkii ayaan joojinney oo an weydiiney waxay xiligan meesha la mareyso. Waxa ay noo sheegtey iney ku socoto reero meel dheer jira. Gabadhii ayaan soo qaadney waanan wareysanney oon nidhi maxaa xiligan ku socodsiiyey. Waxa ay noo sheegtey iney ninkeedii isasoo laayeen ka dib markii ay iyada iyo sodohdeed is af dhaafeen. Waxa ay sodohdeen isku afdhaafeen in yar oo biyo ah oo ay gabadho meel dheer ka keentey oo ay sodohdo malaha dhow goor darsatey, oo markaa ay ku tidhi biyo ma heysano berkedihii wey wada madahnyihiin intan yarna waxa an u heysanaa oo keliya in dhuunta uun lagu qooyo ee biyaha noo madhxi. Sodohdiina wey ka xanaaqdey ninkiina hooyaddii ayuu u hiiliyey, gabadhiina sidaasey reerkii kaga soo duday.

Ragayaga baaburka wata nagama qasna oo waxa an wadanaa dhowr kartoon oo biyo ah iyo shaqaab. Marka ad magaalada ka timid xaalkaagu sidaa yahay wey kugu adkaaneysaa inad fahamto in reero dhan oo caruur iyo sodoho lihi ay ku burburayaan daasad biyo ah awgeed, ama ay jiraan dad aan meydhan bilo biyo la’aan awgeed ama ay jiraan dad u dhimanaya xanuun fudu oo si sahlan loo daweyn karo haddii dawadiisii la hayo. Waxa an aad uuga fikirey umadda dalka ku nool iyo duruufaha heysta ee aan Ilaahey mooyee cid kale oo u gargaarta heysan, iyo inteena bariisku u bisil yahay ee shaqada ka dhigtey “kaaley ila Muran”.

Waxa muhiim ah in la xuso in dawladnimada runta ihi ay tahay ta la rabo iney u adeegto masaakiinta, inta jilicsan, iyo kuwa caasimadda ka fog. Hargeisa waxa laga hadlayaa waa wadooyinka oo jajaban, xashiiskii oo soo batey, bilicdii magaalada. Haddaad hawdka 30 kiloomitir uuga baxdana waxa ad arkeysaa hablo yaryar oo caagad yar sita oo baabuurta dhaafeysa biyo weydiisanayaa. Banka giriyaad iyo Cali Xeydh haddaad martana waa la mid oo duruufo kuwaa la mida ayaa dadka heysta.   Waxa fiicnaan laheyn in 300 ee mumayaa ay bishiiba dhowr habeen tagaan reerohooda, gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka oo ay dhow habeen la soo noolaadaan iyaga oo la cunaya waxa adadku cunayo, oo meel la seexanaya, la sheekeysanaya. Taasi waxa ay keeni laheyd xamaasad iyo qiiro aynu ku ogaano in umad badan oo jilicsani wax inaga sugeyso iyo ineynaan wakhtigeena ku dayicin hadal iyo muran ee an dadka wax u qabanno.

Inteenan murmaysaa waa intii waa kuweenii nasiibka helay. Waa inteena qootanyawmka heysata amaba soo heli karta ama soo shaxaadi karta. Waana inteena 5 ta malyuun rajada ka qabto iney maalin uun ka saaraan duruufaha iyo gaajada iyo jahliga. Maalinta la ina xisaabiyo ee la ina yidhaa dedaalkii dib dhiska dalka bilaash xoogle yahow xageebaad ku maqneyd? Maxaad ku jawaabeysaa? Ma waanigii hebel iyo xisbi hebel la murmayey ayaan ku jawaabnaa. Ma hebel markii uu Hadley kii u jawaabey ee caayay baan ahaa ayaan libin ka dhigana. Mise taariikhda ayaynu geli oo waxa an ku doodnaa intaas oo kun oo caruur ah oo faqiir ah ayaan jahliga ka saarey oo an siiyey hubkii ay gaajada kula dagaalami lahaayeen. Ama intaas oo deegaan amaan biyo macaan oo nadiif ah u qoday oo maanta harraadkii ka baxdey.   Saddexdeena kun ee nin ee murmayow, ogaada iney ina sugayaan 5 malyuun oo rag iyo dumar ah oo Ilaahey mooyee aan cid kale u maqneyn oo if iyo aakhiraba la inagula xisaabtami doono waxa an u qabanney.

 

Mohamed Ali Bile·

Ardaaga Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

Exit mobile version