Waxa kale oo inagu soo korodhay dhalin yaro camal ka dhigatey waxaanu nahay siyaasiyiin intey kamaradaha isa soo
Markii aan arkey dad u wada yaacaaya siyaasad oo aan waxba xeerineyn ama aan xishooneyn ayaan waxaan is weydiiyey xagey sartu ka xuntahay waxaan ogaadey wax yaabaha aanu ka dhaxalney wixii ka dambeeyey burburkii somaliya.
Waxaa batay dad isku sheega siyaasiyiin iney yihiin laakiin aan lahayn aragti siyaasadeed ama aqoon siyaasadeed laakiin jecel iney tv yada soo hor fadhiistaan oo ay ku hadaaqaan anaga oo reer hebel ah macne kale oo ay ku hayaan meeshaas majirto waxaan ka ahayn qabiil iyo qabyaalad.
Waxa kale oo inagu soo korodhay dhalin yaro camal ka dhigatey waxaanu nahay siyaasiyiin intey kamaradaha isa soo hor dhigaan waa arin
la layaabo oo inagu cusub hadaan nahay reer somaliland.
Waayadii hore waxaa arimaha siyaasada ka hadli jirey ama gacanta ku hayn jirey dadka maamulka haya ama xafiisyada jooga ee dawlada u shaqeyn jirey wax walibana dawladaa faraha ku hayn jirtey.
Maah maah baa ahayd arin dawladeed iyo indho qudhaanjo midna lama arko taasi hada wey beenowdey oo siyaasada wixii la oran jirey meel xunbay gashay taasina waa mushkiladaha ku habsadey bulshada somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
Dulmi leys dulmaa ,xaaraantii iyo xalaashii oo lakala saari wayaa waxaasoo dhib ah waxaa horseedaya waa dadkani iyo dunidani wada siyaasiga noqotey ee meel ay ka socdaan ay naan garaneyn.
Sidaas darteed waa in la kala miirmaa oo loo kala baxaa dad siyaasiin ah oo feeshin fog leh oo ay ku hogaamiyaan leh haddii kale waxaa dhici doonta iney isku dhaxdaataan wax kastaba hadaad eegto dhibaatada ka jirta somaliland waxaa inagu soo batay dadka sheegta siyaasada ee la yodhaahdo hoos ka yaaca aan lahayn xishoodka iyo xuduuda waa in laga qabtaa umadeena dadkaasi.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.