DAAWO;Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Hadlay Khilaafka Xisbiga, Xukumadda Iyo Kulmiyena Ku Eedeeyay Burburinta Ucid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Hadlay Khilaafka Xisbiga, Xukumadda Iyo Kulmiyena Ku Eedeeyay Burburinta Ucid
November 26, 2015 - Written by Editor:

Musharaxa Xisbiga UCID Jamal Ali Hussein oo ku eedeeyay guddoomiye Faisal Ali Waraabe Inuu Qandaraas Ku Soo Qaatay Burburinta Xisbiga.

Hargeysa(Wajaalenews)- Musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafka cakiran ee xisbiga Ucid ka dhex taagan, waxaanu sheegay inuu si sharci ah u yahay musharaxa xisbiga Ucid.

https://youtu.be/vLy64FzF_fg

Jamaal waxa uu sheegay in guddoomiyaha Ucid dhaafay awoodihiisa, kana talaabsaday sharciga xisbiga. Waxa uu ku dooday in guddoomiye Faysal xisbiga Ucid cunaha iskaga duubay, islamarkaana mar walba hadalo khalkhal galinaya taageerayaasha xisbiga laga maqlayo.

Waxa uu sheegay inaanu xisbiga Ucid ka tagi doonin,  isagoo sheegaya in heshiiska uu xisbiga ku yimid yahay mid sharci ah, islamarkaana aanu Eng Faysal bedeli karrin. Waxa uu ku dooday inaan madaxtooyada looga yeedhin doonin hawlaha Ucid qabanayso.

COMMENTS
LINKS