DAAWO; Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Baaladhan Oo Lagu Qaabilay+Muxuuse ka Yidhi Xaalada Dalka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Baaladhan Oo Lagu Qaabilay+Muxuuse ka Yidhi Xaalada Dalka?
November 3, 2015 - Written by Editor:

Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Xaalada Dalka Iyo Fariin Uu U Gaadhsiinayo Madaxweyne Siilaanyo iyo weedhihii madaxdhaqameedka somaliland ee soo dhawaynayay bulshada udireen.

Hargeysa(Wajaalenews):- Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaac Cali Xuseen ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa.

https://youtu.be/3w7nWHDSr3s

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka soo dagay madaarka caasimada Hargeysa ayaa waxa ku soo dhaweeyey Madaxda Xisbiga Ucid, Salaadiin, Haween Iyo Dhalinyaro Aad u Tiro Badan.

 

murashax jamaal murashax jamaal 2 jj 3

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi  oo ka hadlay soo dhawaynta musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu yidhi “Inbadan oo dadka ka mid ahi waxa ay yidhahdaan suldaanku Jamaal ma soo dhaweeyo maanta wanigaa soo dhaweeyay ayaan leeyahay, anigu Jamaal hore ayaan u soo dhawaynay imikan waan soo dhawaynaynaa .

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaaliland  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Ayaa Sido Kale ka Mid ahaa Saladiintii Soo Dhaweeyay Waxan Yidhi “ Jamaal Waxan Leenahay Soo Dhawoow intaad Tartay Cidi may Tarin waxan maanta halka ka sheegayaa Kalmad Bam noqotay oo aan hore u yidhi oo ahayd Yaan Askari la Dooranin Kalmadaasi Si Kale Ayaa Loo Turjumay Ayaan Leeyahay .”

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa dhinaciisa ka hadlay soo dhawaynta loo sameeyey waxanau yidhi “Waa ilaahay mahadii mar haddii aanu ku soo nabad noqonay dalkayagii hooyo, waxaan ku maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Jarmalka, wadanka Jarmalkana waxaan kaga qayb galay kulan balaadhan oo xisbiga Ucid ku lahaa.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya xaalada uu haatan dalku marayo ayaa waxa uu yidhi “Tobankii cisho ee aan maqnaa waxay ahaayeen kuwo aad u xanaf badan, waxaana haatan ugu weyn culayska ka jira xisbul xaakimka kulmiye, waxaanan ku baaqayaa inaanay siyaasadu dadka kala qaybin oo shacabka somaliland midaysnaadaan, oo aanay ilaawin qaranimada somaliland ee inaga wada dhaxaysa.”

 

 

COMMENTS
LINKS