|
|||||
WAJAALE NEWS
ABWAAN-WEEDHSAME OO TIX GABAY BAROOR-DIIQA KA TIRIYEY GEERIDA MARXUUM AXMED XASAN CAWKE.
November 18, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ah Abwaan ILAAHAY hibo u siiyey gabayaanimada, ayaa waxa uu tix Gabay baroor diiqa ka tiriyay Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Weriyihii Caanka ahaa Marxuun Axmed Xasan Cawke oo shalay si heer Qarana loogu aasaay Magaalada Tog-Wajaale oo uu maro xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia. Abwaan-Weedhsame oo ah Abwaan ka caana dhulka Soomaalidu degto ayaa waxay tix-diisu u dhignayd sidan: Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay Duufaan xusuusuhu kacsheen daali madaxayga Dubaaqayga Qiirada Damqaday Igu Dinnaahyeeye Ilmo Dabarku Hayn Waayey Oo Dhaba U Dareeraysa Hadba Duugay Waan Duugayaa Dooxse Lama Mooso Damal Dhacay Docdiisii Banaan, Deyrka Naga Liicay Xulad Dumay Haldoor Lagu Goblamay Deeqsi Naga Hoyday Nimcay Dihatay Hooyaba Wed Baan Laga Dabbaalayne Rabbi Baan Duruunsaday Baryanaa Waan u Dirayaaye Inta Loo Daraadiyo Ilaah Kaama Dhigo Deyro Duddo Nabada Iilkaagu Noqoy Daarad Naxariisa Qabrigaagu Daartii Janada Daa’im
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|