Wasiiraddii hore ee Shidaalka Nigeria oo London lagu xiray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiraddii hore ee Shidaalka Nigeria oo London lagu xiray
October 3, 2015 - Written by Editor:

dizaana
Hay’adda xagga dambiyada u qaabilsan UK ayaa ku shaacisay barteeda internetka, in qaybta dhawaan la sameeyey ee musuqmaasuqa caalamiga ah ay 5 ruux ku xireen meelo kala duwan oo London ku yaalla, taas oo qayb ka ah baaritaan lagu hayo dad looga shakisan yahay laaluush iyo dambiyo la xiriira lacago raadkooda la saan-tiray.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka la xiray ay isugu jiraan 3 rag ah iyo 2 dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 30 sano iyo 60 sano. Haybta iyo dhalashada dadkaas lama shaacin.

Xubno ka tirsan qoyska Diezani Alison-Madueke ayaa xaqiijiyey in lagu xiray London.

Alison-Madueke waxay ahayd wasiiraddii khayraadka Batroolka ee Nayjeeriya muddo 5 sano ah, xilligii uu jiray maamulka madaxweynihii hore, Goodluck Jonathan.

Dhawaan ayaa madaxweynaha Nayjeeriya Muhammadu Buhari wuxuu daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu ay billowday baaritaanno ay ku samaynayso ganacsiga saliidda, si ay dib ugu soo ceshato wax uu ku tilmaamay balaayiin laga xaday Nayjeeriya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dhawaan bilaabi doonto in ay dacwad ku soo oogto kuwo uu ku sheegay inay mas’uul ka yihiin xatooyada xoolaha Nayjeeriya.

Alison-Madueke waxay beenisay in ay wax khalad ah samaysay markii uu guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Nayjeeriya, Sanusi Lamido ku ashtakeeyey in ilaa 20 Bilyan oo doollar oo ah lacag ka soo xarootay saliidda Nayjeeriya aan meelna lagu xisaabin xilligii ay madaxda ahayd.

COMMENTS
LINKS