|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaranka Somaliland Waligaa Ma Kula Hadlay? Haduuse Kuu Maah Maaho Wax Maku Qaadan Lahayd?.
October 9, 2015 - Written by Editor:Sadex Waan ku Hungoobay. Hayaankii Waan Ku Hungoobay Hebelo Waan ku Hungoobay Hogaanka waan ku Hungaabay HARGAYSA(Wajaalenews) Qormo xiiso badan oo aynu ka helayno maahmaahyo dhinacyo badan taabanaya kuna taxaluqa xaalado badan oo somaliland ka jira Kabogo kana soo dhiibo firkirkaaga , Curintii ; ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley Tell 4669910 MAAHMAAHYADA SADEXAN. Sadex waan u haraaday Muwaadinimo dhaba waan u haraaday Maamul wanaag waan u haraaaday Musuqoon ka fogaado waan u haraaday Sadex waa Burjigayga Milatrigu waa burjigayga Muruq maal iyo reer miyi waa burjigayga Maatida iyo Miskiinku waa burjigayga Sadex Waa Sharaftayda Sharcigu waa sharaftayda Shacabku waa sharaftayda Shaqaaluhu waa sharaftayda Sadex Waan ku Gumoobay Suldaan Siyaasiya waan ku gumoobay Siyaasi dhaqaale doona waan ku gumoobay Suxufi Laaluush doona waan ku gumoobay Sadex Aad Tacab Moodo Lunsigood tacab moodo Laaluushkood tacab moodo Loofarkood tacab moodo Sadex Waa Hiigsigayga Daartu waa higsigayga Dalacaadu waa higsigayga Doolarku waa higsigayga Sadex Waa Taladayda Tacab la”aani waa taladayda Tamar daro waa Taladayda Tawfiiq La”aani waa taladayda Sadex Waan ku Hungoobay Hayaankii waan ku hungoobay Hebelo waan ku hungoobay Hogaanka waan ku hungaabay
Afar waa sahay Aakhiro Ducadu waa sahay aakhiro Daacadu waa sahay Aakhiro Digrigu waa sahay Aakhiro Deeqsinimadu waa sahay Aakhiro Sadex waan Dhugan Waayay Waano waan dhugan waayay Wacdi waan dhugan waayay Warna waan dhugan waayay Sadex Waan Arkayaa Tuugo sharafle waan arkayaa Talo sheekh waan arkayaa Tab shisheeyana waan arkayaa Sadexbaa isku Eekaaday Siyaasigii Suldaanbuu u ekaaday Suldaankii Siyaasibuu u ekaaday Suxufigii Siyaasibuu u ekaaday Sadex waa wehelkaaga Wadanku waa wehelkaaga Afka hooyo waa wehelkaaga Nabadu waa wehelkaaga Curintii; ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley Tell 4669910 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|