|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne SIILAANYO Oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Dib-U-Dejinta
October 30, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta)
ALLAA MAHAD LEH Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Related posts:Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Jiidali Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay... Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun... DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Oo Cisbitaalka Hargaysa Ku Booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Xaalad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|