Ma Gabadha Mise Shabeelka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Gabadha Mise Shabeelka?
October 6, 2015 - Written by Editor:

Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaan jiray uguna awood badanaa, boqorku wuxuu lahaa fikradu badan oo uu ku soo kordhiyey shuruucda iyo qawaaniintii  dajisnaa ee la isku xukumi jiray,  Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo  wanaagsanaa oo midho dhala, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun,  mid ka mid ahayd fikradaha boqorkaasi waxay ahayd inay goob fagaare ah ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaalada, oo  lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha  qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay  sameynin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba wixii natiijada nasiibkoodaasi  ugaga soo baxa, inkastoo fikradaasi dadka qaar ay ka soo horjeedeen in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana fagaarahaasi waxa si waajir ah u iman jiray dhamaan dadka oo dhan.

 

Boqorku  munaasabadaas wuxuu ku soo  fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay  kursi loogu  tallo-gala, waxa kale oo amarada uu bixiyo  astaan u ahayd  inuu furmo allbaab ka hooseeya, kasoo horjeedkiisana waxa kale oo ku soo beegnaa oo ku soo yaalay  laba  Allbaab oo kala durugsan, iskuna eeg, hoostiisana  waxa laba albaab oo kale oo kala  durugsan iskuna eekaa.

lady or lady or tigger 2

Marka la hor keeno eedaysanaha fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada waxa la kala dooran siin jiray inuu furto albaabada ku yaala garoonkaas  mid ka mid ah oo uu raali ka yahay wixii ugaga soo baxa, haddii uu diidana inuu talaabsadana, qof ka mid ah maxkamada ayaa u kaxeyn jiray isla markaana horgeyn jiray albaabadaasi mid ka mid oo uu raali ka yahay inuu furro, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla markiiba si dhakhso ah ayuu ugu soo boodi jiray una kala goosan jiray, taasina waxay ahayd mid ciqaab loogaga dhigi jiray  xad-gudub koodii,  qaraarkan oo ahaa mid lagu fuliyo waa  kuwa lagu tuhunsan yahay  danbiga lagu soo eedeeyey,  waxaana loo saaraa dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keenta  ilmada badan,  wakhtiyada dal-dalaada ee dadka xadhiga qoorta  loo galiyo, taasoo ka mid ah  dariiqooyinka  hoyga aakhiro loo marree, haddana dadka qiireysani aad bay u weynayn jireen una xurmeyn jireen  in ay arrintaasi tahay cadaalada dariiqada dhimashada dhalin-yarro iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu  eeday-sanahaasane uu furro albaabada mid ka mid ah ee uu doortay, waxa ugaga soo baxa gabadh, isla-markaana waxa xoog ku kaxeeya haween, isla-markaana si  deg-deg ah ayaa loogu meheriyaa, taasna waxa lagu sharfaa  kuwa daacada ah ee aan wax-ba galabsan, manaha tani mid mushkilad ku keenta waa haddiiba uu leeyahay oori amaba qoysba, xitaa haddii uu  gabadh kale uu la guursan  doono, boqorku  arritaasi  kumuu xidhi jirin ogolaansho, manaanu fara-galin jirin wixii la ogol yahay ee ciqaabta abaal marinteeda ahayd,  ka dib waxa furma Albaabka ka hooseeya boqorka, waxaana ka soo baxa nin wadaad ah, hobolo, qoob-kaciyaaro iyo durbaan-tumeyaal, isla markaana si deg-deg ah  ayaa la iskugu meheriyaa innantii  iyo innankii, waxaana lagu soo dhaweeyaa dhawaaqa dawanka iyo cod-farxadeed,  dadkuna waxay ku dhawaaqaan dhawaaq farxadeed, ninkii daacada ahaana wuxuu gurigiisii u sii kaxeystaa gabadhii cusbayd, oo caruur  la sii raaciyey ay sii sagootinayaan iyagoo ubaxyo qubaaya  raadkiisa dariiqa uu sii socdo, tani waxay ka mid  ahayd qaabka uu boqorku u fulin jiray cadaalada, waana sidii qumaneyd ee isaga ugula muuqatay cadaalada.

Qofka eedaysanaha albaabka uu raalida ku yahay ayuun buu furan jiray isagoon garaneyn albaabka gabadha qarsooni ay ku jirto, isla-markaana  ogeyn in daqiiqadaha ku xiga in la dili doona ama uu guursan doono.

Boqorku wuxuu siyaabo kala duwan uu u jeclaa  Inan uu dhalay oo aad u qurux badnayd, oo haddii ay dadkoo dhan iyo inantiisaasi ay noqoto wuxuu ka doorbidi jiray inantiisa oo uu aad u jeclaa, inkastoo ay amiiradaasina ay  qarsoodi ah u jeclayd wiil dhalin yaro ah oo lahaa muuqaal- wanaagsan iyo halyeyada dhulka ee faro ku tiriska ah ee aan ka dhalan qoysaska ugu mudan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ogaaday  boqorku inuu xidhiidhka ka dhexeeya inantiisa iyo wiilkaasi, ka dibna xabsiga ayuu u taxaabay, waxaana la horkeenay sidii qaalibka ahayd fagaarihii carwada sooyaalka cadaalada taasoo ahayd muhiim dhacdadaas, sababtoo ah, waxay ahayd arrin uguba  oo aan hore loo arkin in la jeclaado ina-boqor, waxaanu ku balan qaaday inuu ciqaabi doono xitaa haddii uu nasiib u hello albaabka saxda ah.

lady or5

Mar-kaliyaata ayey dadka indhahoodii halac-sadeen wiilka dhererka iyo qurux-badan ee aan naxdintu ka muuqanin, waxaanu u muuqday mid rajeynaya inuu la kulmi doono dhawaaqa ogolaanshaha ee  dareenka xiisada badani ku duugan tahay, inkastoo dadka qaar aanay  ogeyn in ninkan dhalin yarada ahi uu la noolaa  qoyska reer boqor, may ahayn wax lala yaabo in amiiradu jeclaato, balse  shayga-mushkilada ku ahaa isaga  waxay ahayd, maxaad halkaas kugu kalifay inaad ahaato.

Wiil dhallinta ahaa markii uu soo galay garoonkii weynaa ee fagaaraha carwada sooyaalka cadaalada dadweynaha, waxaanu u soo leexday dhankii  boqorku uu fadhiyey, laakiinse, haba yaraatee  muu filaneynin  inuu meesha fadhiyo taliyihii weynaa, waxaanay Indhaha wiilku ku jihays-naayeen amiirada, taasoo dhanka midigta ah ka fadhiday aabaheed, laga bilaabo tan iyo illaa maalintii la go’aansaay in lagu soo oogo jaceylkeeda, inay tahay mid lagu gaadhay inay noqon doonto  go’aan fagaare, waxay isku qancisay in aanay wax-dhibaato ah lahayn laakiinse, ay tani noqon doonto dhacdo taariikhiya.

Amiiradu waxay lahayd awood dabiicya oo fur-furan taasoo qof-kasta oo aan hore u arkin ay ku abuur-mayso ashqaraar iyo xiisa badan inuu hayo, waxa kale oo ay ogeyd gabadhu waxa ay noqon doonto, ama ay tahay gabadha loogu jecel yahay boqortooyada.

Inkastoo Amiiradu ay necbeyd gabadha aamusan ee albaabka  ka danbeysa iyo sidoo kale inay sii dhex marto  xariiqda safafka dhaadheer ee ay ku sii yaalaan dhiigagii  awoowyaasheedii  naxariis darada lagu dila, haddana waxaynu eegi doonaa qaabkii ay u wada-xidhiidheen Wiilka iyo Amiiradu.

Gacaliyaheedu wuxuu u soo jeedsaday si uu u  arko amiiraada, isla markiiba, haday indhahoodii  is qabteenba,  waxay ulla muuqatay sidii uu hore ugu arkaayey in ay tahay rajada kaliyaata ee uu ay  guushu ka soo dhismi karto Amiirada, isla-markaana ay si ruuxiyana ay u dabooli karto, uguna  guulaysan karto hadii ay siiso guusha, ka dibna, waxa si kadis ah loo weydiiyey su’aashii ahay, “Waa kee ?  Xitaa iyadda laftigeeda waxa u cadeyd  haddii uu ka qayliyo halka uu taagan yahay wakhti ka luma mooyaane aanay wax-ba aanay u tarayn.

Intuu jeestay ayuu si adag oo deg-deg  ah u  talaabsaday, intii uu sii  socdayna wadnaha kastaaba wuxuu joojiyay garaacii, sanqaha neeftuna way yaraatay, ill kastaana waxay ku dheegag-tay wiilkaasi, ka dib markii uu hor joogsaday mid ka mid ah albaabkii uu raalida ka ahaa, wuxuu jaleecay dhankii Amiirada fadhiday,  waxaanay amiiradii markiiba gacanteedii ay  saartay madaxeedii, wiilkiina si deg-deg ah ayuu ugaga dhaqaaqay albaabkii uu hortaagnaa, ka dibna, wuxuu hor joogsaday albaabkii labaad,  waxaanay si deg-deg ah haddana ay u dhaqaajisay gacanteedii isla-markaana ay saartay wajigeedii, dabadeedna waxay gacanteedii si qun-yar ah gacanteedii mar-kale u dhaqaajisay dhanka midigta ah,  qofna muu dareemin manaanu arag, gacaliyaheeda mooyaane, dhamaan indhaha dadkoo dhaminana waxay ku sii foog-naayeen wiilka fagaarahaasi ku sugnaa.

Haddaba, waxay is weydiintu tahay oo aan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharaf lihi inay ka jawaabaan:  Ma Shabeelkiibaa ka soo baxay albaabkii mise Gabadhii?

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

 

COMMENTS
LINKS