Ganacsade Oomaar Oo La filayo In uu Taageero Dhaqaale La Barbar Istaago Murashaxnimada xil. Xasan Cawaale Ee Xisbiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade Oomaar Oo La filayo In uu Taageero Dhaqaale La Barbar Istaago Murashaxnimada xil. Xasan Cawaale Ee Xisbiga Kulmiye.
October 4, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Ganacsadaha wayn ee Jaamac oomaar ayaa la filayaa in uu  Taageero la Dhaqaale la barbar joogsado  xildhibaan Xasan Cawale Caynaan oo hore ugu dhawaaqay in uu Tartami doono Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Kulmiye Maalqabeenka oo hore Taageero Dhaqaale ugu fidiyay Xildhibaan Xasan Cawaale  Doorashadii  Golaha Wakiilada ee Dalka ka dhacday 29/9/2005

xildhibaan xasan

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii uu xildhibaan Xasan Cawale Caynaan  Shir jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalada Hargaysa ku shaaciyay in uu taagan yahay Murashax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye

 

Sida ilo xogogaala ah oo ka agdhaw Ganacsade Jaamac Oomaar u xaqiijiyeen shabakadan wararka ee wajaalenews ayaa la sheegayaa in Ganacsadahani ku farxay Hanka  Xil.Xasan Cawale Taageero Dhaqaalena la garab joogsan doono Xildhibaan Xasan.

Ma aha markii u horaysay ee uu taageero Ganacsadahani  u fidiyo Xildhibaan Xasan

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Xasan Cawaale  ayaa la filayaa in uu Guul ka soo hoyn doono Tartanka Shirka  Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye ku dhex mari Murashixiinta mar hadii la sheegay in Maalqabeen Jaamac Oomaar in uu Taageeray  Murashaxnimada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

Dhanka waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Maalqabeenada waawayn ee Beesha Sacad Muuse ay kala Taageersan yihiin Murashaxiinta ku Tartamaya Xisbiga Kulmiye iyadoo Maalqabeenka Maxamad Aw Siciid Geedi hore  Taageero Dhaqaale ula garab istaagay Gudoomiye Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Tartanka ayaa a filayaa in uu noqdo mid Adag oo far Guudkood lagu kala badiyo mar hadii Murashaxiinta la soo kala safteen Tujaartii Wadanku.

COMMENTS
LINKS