Jamhuuriyada Somaliland waxa la aas aasay 18 may 1991 ayaa laga dhawaaqay magaladda burco. Waxana lagu doortay madax waynihii ugu horeeyey Cabdi Raxmaan Tuur iyo Xasan Ciise Jaamac oo ahaa madaxwayne ku xigeen dawladii lagu soo dhisay magaaladda burco. Ilaa iyo manta oo u madaxwayne yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo. Xukumadihii soo maray dhamaantood marka laga reebo xukuumadan manta joogta. Waxay ahaayeen xukumado aad utixgaliya taariikhda iyo faraca aan ka soo jeedno sida sheikh isaxaaq sheikh samaroon iyo qaar kale oo badan iyaga oo ilaalin jiray dhaqaale ahaan ixtiraam ahaan. Tusaale ahaan hadan soo qaadano madaxwaynihii daahir Riyaale iyo Axmed Yusuf Yaasiin oo ahaa niman ku xidhan taariikhahan aan soo sheegay una hargar bixi jiray xidhiidhinta iyo cida loo daba fadhiisto xidhiidhka waalidiinteenii wanaagsanayd ilaahay janadii fardowsaha hasiiyee, waxa kale oo jiray wasiiro ka mid ahaa dawladahaa aan soo sheegnay oo aqoon iyo taariikh dheer u lahaa xidhiidhinta taariikhdaa faca wayn ama aan ka soo jeedno oo ah meel mihiim ah.
Hadaba marka aad u kuur gasho dawlada hada ka talisa Somaliland ayaa lagu xantaa in ay ka duwantahay dawladahaa aan soo sheegnay waxana lagu xantaa in ay jaanta iyo jiibta isla heleen dad ay ku yartahay milgo soorka iyo ducayeelka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo ah waxa ay Somaliland ku caano maashay ilaa iyo dagaaladii dalkan lagu xoreeyey ee lagaga tuuray heeryada digtaytarkii Siyaad Bare. Taasi oo aad dareemayso marka aad lasheekaysato mujaahidiintii in ay ku xidhnaayeen culumada iyo ducayeelka.
Dawlada manta talada haysa oo lagu xanto in ay tahay astaantii halgankii SNM, ayaad moodaa in ay ku yartahay xidhiidhinta iyo ogaanshaha taariikhdan aan soo sheegay iyada oo mararka qaarna ay tuhunsantahay In taariikhdan cida ka wakiil ka ahi tahay Mucaarid taasina ay Ceeb iyo garasho xumo ku tahay dawladda xukunka haysa iyada oo laga filayey in ay arimahaa waxwayn ka qabato aduun ahaan iyo arin ahaan. Waxa kale oo ay caado u noqotay marka ay kaabaynada ku jirto xukumadu ay dultagaan madaxda qaranku iyaga ku kacsanaya awrkooda laakiin aan dib u soo eegin maqaamka iyo arimihiisa iyada oo ay jiraan boqolal qof oo kala imanaya daafaha dunida soona booqda halkan waxa kale oo jira dadbadan oo xanuunsana ama suufiyada ku jira oo jooga halka iyaga oo kakala imanaya gobolada dalka una baahan in ay helaan gargaar. Iyada oo ay jiraan cid masuuliyadaa haysa laakiin aan awoodi Karin In ay daboolaan baahida adeega ay u baahan yihiin taasi oo ay xukumadihii hore ay ka warhayeen ama ay gacantaba ku hayeen.
BY Sacad Maxamed Faarax
Email: khayrsheeg15@gmail.com