|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Suxufiyad Rasaasi Ku Dhacday Iyadoo Si Toos Ah Hawada Ugu Jirta Oo War Diraysa
October 19, 2015 - Written by Editor:Suxufiyadan oo lagu magacaabo, Nibal Farsakh ayaa xabadu ka cuskatay Ramallah, (WN/Agencies):- Suxufiyad ka tirsan telefishanka Roya ee dalka Jordan laga leeyahay, ayaa ku dhaawacantay rasaas ciidamada Israel ku ridayeen dad mudaharaadayay oo Falastiiniyiin ah, waxaanay suxufiyadani dhaawacu haleelay wakhti si toos ah hawada looga daawanayay oo ay war ka diraysay goobta rabshaduhu ka dhacayeen ee magaalada Ramallah. Suxufiyadan oo lagu magacaabo, Nibal Farsakh ayaa xabadu ka cuskatay gacanta, waxaana deg deg loo geeyay cusbitaal goobta ka dhawaa, halkaas oo lagu dawaynayo, waxaana maamulka telefishanka ay ka shaqaysaa warbaahinta u sheegeen in xaaladeedu wanaagsan tahay.
Related posts:Taliska Ciidanka Booliska Jsl Iyo Gudida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Joojinayo Isku Soco... Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka Oo Xabsi 26 Sanno Ah Ku Xukuntay Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii D... Xukuumada Somaliland Oo si Adag Uga Hortimid Go,aankii Golaha Wakiiladu Ku Laalay Arinta Hamaah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|