Ciyaartii Dhex Maraysay Gobolada Maroodi Jeex Iyo Awdal Oo Rabshado Hadheeyeen Ciidamada Amaanka Oo Rasaas Nool Adeegsanaya +khasaaraha ka Dhashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaartii Dhex Maraysay Gobolada Maroodi Jeex Iyo Awdal Oo Rabshado Hadheeyeen Ciidamada Amaanka Oo Rasaas Nool Adeegsanaya +khasaaraha ka Dhashay.
October 11, 2015 - Written by Editor:

Borama(Wajaalenews) Ciyaar xiiso leh oo dhexmaraysay  gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaan  xaqijiyeen waxaa khilaaf ka dhex bilaabmay garsoorka iyo xulka gobolka maroodi jeex oo sida la xusay lagu qabtay faawal kadibna morankii uu sobobay in dagaal dhexmaro taageerayaasha labada gobol iyadoo gabi ahaanba ay is taagtay ciyaartii

Dhanka kale ciidamada amaanka ayaa Iyagu adeegsanaya rasaas nool si ay ugu kala eryaan kooxaha dagaalku dhexmaro

wararka ayaa tibaaxay in rasaaska ciidamadu ridayaan haleeshay dadkamida daawadayaashii ciyaarta iyadoo lasheegay in ilaa laba qof ay ku dhacay

 

Garoonka ciyaaraha ee Xaaji Daahir ayaa waxaa wali ka socda rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada amaanku

 

wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews

COMMENTS
LINKS