Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Imisa Sanno Oo Danbe Ayay U Daba fadhiyi Doonaan Hogaanka Siyaasada Iyo Dhaqanka Dhigooda Beesha Galbeedka Hargaysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Imisa Sanno Oo Danbe Ayay U Daba fadhiyi Doonaan Hogaanka Siyaasada Iyo Dhaqanka Dhigooda Beesha Galbeedka Hargaysa?
October 22, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Male Rag waa Mudacyo Afkoode waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa  sii kordhaya dareeno guux iyo cadho xambaarsan oo Bulsho waynta Gobolka Gabiley  jawaab celin uga dhigayaan dhigooda  Abtirsiinta ay Wadaagaan ee Galbeedka Hargaysa oo isku koobtay Hogaanka Siyaasada iyo  Dhaqanka Sanado Qarni gaadhaya iyagoo Beesha Sacad Muuse  Gadh wadeen uga ahaa waxaana  si wayn looga hadal hayaa goobaha lagu kulmo laguna falanqeeyo arimaha Siyaasada iyadoo qaybaha kala duwan ee Bulsho Waynta Gobolka Gabiley iswaydiinayaan imisa Sano oo danbe ayay Hogaanka Dhaqanka iyo Siyaasadaba isku haysan doontaa dhigooda Galbeedka Hargaysa.

SULDAAN XASAN. MUUSE BIXI. MAXAMED BIIXI

 

Dareenadan Guuxa iyo Cadhada Xambaarsan ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Maalmo  ka hadhsan yihiin qabashada Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono Murashaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka Tararkan oo Bulsho waynta Gobolka Gabiley si gaara Isha ugu hayaan ayaa la filayaa in uu dhex maro Siyaasi Deegaanka Gobolka Gabiley ka soo jeeda iyo Laba Siyaasi oo ka soo jeeda Dhigooda Galbeedka Hargaysa

Dhanka kale Wariye ka tirsan Shabakada Wararka ee Wajaalenews oo Mudo Lix Maalmooda ku sugnaa Magaalada Gabiley Waraysina kala yeeshay Qaybaha kala duwan ee Bulshada  ayaa noo Xaqiijay in  Bulsho waynta Gobolka Gabiley si wayn uga cadhootay hadalada ka soo yeedhaya Suldaanka Guud ee Beesha Habar Awal Suldaan Xasan oo Labada Murashax ee jufadiisa hoose ah  dharaarba mid raaca

Ugu horayn Wiil dhalinyaro ah oo lagu maagacaabo Mustafe Daahir Cumar oo waraysi kula yeelanay Magaalada Gabiley Ayaa ku dhawaaqay in la gaadhay Waqtigii Beesha Sacad Muuse Gudaheeda Xisaabtami lahayd oo  isku Xaqsoori lahayd hadii aan sidaa la yeelina ay Wada dhalashada iyo Abtirsiinta la wadaagayaa ay dhaawacmi doonto

Sidoo kale  Oday Cali Yuusuf oo aan ka Waraysanay dareenkiisa  ayaa yidhi waxaa iswaydiin mudan Imisa Sanno oo danbe ayay Beesha beesha galbeedka hargaysa Hogaanka Siyaasada Dhaqanka iyo Wasiiradii ugu Tunka waynaa isku haysan doontaa Isagoo Hadalkiisa sii wata waxuu yidhi Xisbiyada Siyaasada iyagaa Beesha Sacad Muuse u matala oo Cududa Beesha kula Gorgortama  Balse waxaa la gaadhay  waqtigii Bulsho waynta S/land loo sheegi lahaa in aanay Beel waynta Sacad Muuse Beesha ku koobnayn jufo kaliya  ku matalin Saaxada Siyaasada

Ugu danbayn Maxamad Cismaan Jaamac oo ka mida Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ayaa Iftiimiyay in inta la Noolyahay  Tartanku soconayo Hogaanka Siyaasada iyo Dhaqanka ee Beel kaliya  mudo Nus Qarni ah ay Beesha Sacad Muuse Cududeeda Maalaysay waxaanay u arkaa in ay Fursada ka heleen Ilbaxnimo ay Dheer yihiin Beesha inteeda kale Waxaanu hadalkiisa ku soo koobay waxaa iswaydiin mudan Suldaan Xasan ku kala xigtaysanayo Sadex Murashax oo Abtirsiinta u siman

 

Isku wada duubuu waxay Bulsho waynta Gobolka Gabiley ka midaysan yihiin Diidmada ay Hogaankii Siyaasada iyo Dhaqanka isku koobeen Beel kaliya waxaanay Isha ku hayaan Habka ay ula dhaqmayaan Murashaxa Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye

 

Wariye  C/raxmaan C/qaadir Habane

COMMENTS
LINKS