WAJAALE NEWS

XALKA: SAMI-QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADA JSL.

Markasta oo doorashadii Golaha Wakiilada soo dhawato, waxaa bilaabma buuq iyo is-qabqabsiga sami qabsiga Golaha Wakiilada. Doorashada Golaha Wakiilada ee 2005 inta aan la qabanin, ayaa gobalada qaarkood ka biyo diideen samiga Golaha Wakiilada loo qoon deeyay. Haddaba, waxaa ay  Maxkamda Sare soo sartay go’aan xal u ahaa sami qabsiga. Go’aankani waxaa uu odhanayay :

Samiga Golaha Wakiilada (ka ay manta gobaladu ku fadhiyan) waa in doorashadani lagu galo. Doorashooyinka danbana waa in dalka laga hirgaliyo diiwan galin lagu saleeyo sami qabsiga Golaha Wakiilada.

Go’aanka Maxkamada sare waxaa laga jooga 10 sano, Xukumadani iyo tii ka horaysaba waa ka masuula in dalka diiwan galin laga qaban. Golaha Wakiiladu waxaa ay ahayd in ay Xukuumada ku daba galan sidii dalka laga hirgalin lahaa tira koob. Sida daraadeed, Xukumada iyo Golaha Wakiiladuba way ku fashilmeen arintani. Haddaba, iyada oo  mudo koobani ka hadhay wakhtigii la soo dooranayay Golaha Wakiilada , waa  nasiib daro in xubno ka mid ah Golaha Wakiiladu in ay ku andacoodan in aanu gobalkoodu helin samiga ay xaqa u leeyihiin.

Maanta mar labaad ayay dadk Somaliland doorashadii Golaha Wakiilada u diyaar yihiin. Haddaba, cida xil gudasho la’aanta ku doonaysa  in loogu hibooyo in ay Korasta Golaha Wakiilada iskaga sii fadhiyaan, waa dad liita oon isla yaabaynin.

Somaliland waxaa qabsatay 5 doorasho, marka laga biloobo 2002 oo dhacday Doorashada Golaha Deganka ilaa iyo 2012 ooy mar labad dhacday doorashadii Golaha Deganka. Doorashooyinkani waxaa ka soo baxay Natijooyinka tirade codaysay. Waa dhab in doorashooyinka dadka qaar ay codeeyan mar wax ka badan. Lakiin waxaan qaba in gobalada oo dhan ay ka sinaayeen arintaasi. Teeda kalana, natiijooyinkaasi waxaa lagu doortay, xildhibaalo golaha degaan, gole Wakiilada iyo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeeno, sida daraadeed lama odhan karo waxba laguma qaybsan karo.

Haddaba, qoralkani waxaan doonaya in aan dib u eegid ku sameeyo natiijooyinkii tirada codadka doorashooyinka ee dalka ka dhacay iyo waxa uu xalku yahay. Waxaan xisaabiyay tirade codadka Median-ka gobalkasta. Median-ku waa tirada dhex dhexaadka ah. Waxaa gobalkasta ka tuuray tirada codadka ugu badan iyo tirada codadka ugu yare, kadibna waxaan soo saraya tirada codadka isku celceliska ah. Tirada codadka ee aadka u badan waxaa tusaale u tahay in tirada codadkaasi ay ka fogtahay tirada gobalka ka codaysay, ooy ku jiraan codad dheerada. Isla markana, tirada codka ee yari waxaa calamad u tahay in wax ka qaldan yihiin sida loo codeeyay. Marka tirada codadka e saxi ahi waa ta dhexda ah, tani oo ka turjimaysa tira ka codaysay gobalka.

Degmada Buuhodle ee gobalada Togdheer doorasho kama dhicin, marka Natiijada codadka gobalka Togdheer ma aha kuwa ka turjimaya tirad codadka ee gobalka. Tirada codadka ee deganka Buuhoodle waxaan lagu qiyaasi karaa  in ay tahay 10% ilaa 20% codadka gobalka Togdheer. Sida daradeed, waxaan xisaabta ugu darnay 20% codadka gobalka Togdheer. Tirada aanu ugu darnay ma ah mid sax ah, lakiin waa ‘estimation’ ama qiyaas qaadasho.

Sida oo kale, bariga Sanag lagama codayn. Tirada degmooyinkani waxaan lagu qiyaasi karaa in ay tahay 20% ilaa 25% codadka gobalka Sanag. Tirada aanu ugu darnay ma ah mid sax ah, lakiin waa ‘estimation’ ama qiyaas qaadasho.

Gobalka Sool, degmada Caynaba oo kaliya ayaa laga codeeyaa,  gobalka intiisa badana lagama codeeyo, marka laga reebo doorashadii deganka ee 2012, oo degmooyinka sida Las-caanod si fiican uga dhacday. Codadka gobalka Sool ka maqan waxaa lagu qiyaasi karaa in 80% ilaa 90% tirada codadka ka codeeyay. Sida daradeed waxaan xisaabta ugu darnay 90% codadka gobalka Sool, in ay ka maqan yihiin. Marka laga reebo doorashada deganka ee 2012, oo la odhan karo 50% gobalka waa  laga codeeyay. Tirada ma ah mid sax ah, lakiin waa ‘estimation’ ama qiyaas qaadasho.

 

Natiijada dadka dalka ka codeeyay & Samiga Golaha Wakiilada by Median-ka.

Gobalo G/Deganka  2002 Madaxtooyada 2003 G/Wakiilada

Sept 9, 2005

Madaxtada 2010 G/Deganka 2012 Median Samiga

By Medianka

Saxil 30,807 30,537 52,479 29,211 54,533 37,941 5
Awdal 100,495 65,930 133,020 81,338 114,452 98,762 14
M/Jeex 186,383 208,864 253,229 236,651 314,663 232,915 33
Togdheer 66,598 115,064 121,751

 

111,653 160,460 116,156 17
Sanag 53,096 57,938 89,286 58,515 114,642 68,580

 

10
Sool 6,266 9,702 20,557 20,878  49,383 20,718 3
Total

 

          554,354 82

Codka Kursiga Golaha Wakiilada: 554,354/82 = 6,760 cod.

 

Natiijada dadka codeeyay + lagu daray tirada codadka Estimationka  & Samiga Golaha Wakiilada by Median-ka

Gobalo  G/Deganka

2002

Madaxtooyada 2003 G/Wakiilada

Sept 9, 2005

Madaxtooyada 2010 G/Deganka 2012 Median Samiga

 

Saxil 30,807 30,537 52,479 29,211 54,533 37,941 5
Awdal 100,495 65,930 133,020 81,338 114,452 98,762 13
M/Jeex 186,383 208,864 253,229 236,651 314,663 232,915 31
Togdheer* + 20% = (codka estimationka)  79,918 138,076 146,101  113,984  192,552 132,720 17
Sanag*+ 25% = (codka estimation)  66,370 72,420  111,608 73,144  143,303  85,724 11
Sool * + 90% = (codka Estimation)  11,905  18,434  39,058  39,668  74,075’*  39,363 5
Total(codka Estimation           588,062 82

Codka Kursiga Golaha Wakiilada: 588,062/82 = 7,171 cod ama 7,600 cod.

‘* Doorashada G/Deganka ee 2012, degmada Las canood waa laga codeeyay, waxaan ugu darnay 50% tira ka codaysay in ay wali gobalka ka baqantahay.

 

Natiijada dadka codeeyay doorashada G/Deganka 2012 & Samiga Golaha Wakiilada By

Gobalo G/Deganka 2012

Dadka codeeyay

Median Dadka Codeeyay G/Deganka 2012

+ Estimate

Median Dadka

+Estimate

Samiga G/Wakiilada

ku-fadhiyan

Saxil 54,533 5.6 54,533 5 10
Awdal 114,452 11.7 114,452 10.5 13
M/Jeex 314,663 32 314,663 29 20
Togdheer* + 20% = (codka estimationka) 160,460 16 192,552 17.7 15
Sanag*+ 25% = (codka estimation) 114,642 11 143,303 13 12
Sool * + 90% = (codka Estimation) 49,383 5 74,075’* 6.8 12
Total(codka Estimation 808,133 82 893,578 82 82

Kursiga Golaha Wakiilada dadka codeeyay: 808,133/82 = 9,855 cod.

 Kursiga Golaha Wakiilada dadka codeeyay + Estimate: 893,578/82 = 10,897

Haddaba, marka la eego natiijooyinka dadka codeeya 5-ta doorasho iyo xisaabta aan kor ku xusan. Marka dadka Somaliland ayay u tala in qiimayaan gobalka samigi kurasta G/Wakiilada ka maqan yihiin iyo ka ay ku maqan yihiin.

Haddaba, xalku muxuu yahay? Xalku waa in:

 

Somaliland ha noolato!!!!!!!!!!!!!!!

Omar A. Yousuf

Oakland, Californai

 

Exit mobile version