WAJAALE NEWS

Waxa Inoo Haboon Inaynu Kitaabka Ilaahay Isku Xukuno..Sacad Ali

Waxa Inoo Haboon Inaynu Kitaabka Ilaahay Isku Xukuno..Sacad Ali

Bismilaahi Waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista marka hore waxaynu nahay umadd islaama oo diinta islaamka ku abtirsata
sidaadaraadeed waa ianagu waajib is baraarujinta iyo wax isu sheego

Markaa waxaynu nahay umudd loo soo saaray inay waxa wanaagsan is farto wixii xunna iska reebaan iska waaniyaan taasina waxa ilaahay inoogu sheegay kitaabka Qur.aanka Kariimka ah ee Mu-nasalka ah iyo nusuusta kale ee axaadiista ka sungaantay Rasuulkiinee Maxamadd CSW

x-small;”> Markaa maanta markaad eegto halka aynu marayno oo wax walba la xalaashaday
Oo markaad u fiirsato arimiha maanta dalka ka socoda iyo gebi ahaanba cariga somalida iyo dunida islaamkaba aad fajacayso

Sharciyada laysku xukumayaa dhamaantood waa qaar baaddila oo garab marsan
ama iska madax baneeyay sharcigii xukunkii ALLAH WAYN ee koonka dunida abuuray

Waayo? markaad aragto ama maqasho barlamaan hebel ayaa sharcigaa ansixiyay oo waa lama taabtaan ama waa maqaddis

Waxay ku tusaysaa in laga tegay sharcigii iyo xukunkii Ilaahay oo dadka badhkood badh ay iyagu isku xukumayaan rabitaankooda iyo waxay doonaan waxaa ilaahay SWT ee uu inoo sheegay ina cid kasta oo wax ku xukunta xukun aan ahayn ka  Illahay SWT inay Daalimmiin yihiin ama Kaafiriin amma faasiqiin

Markaa maanta halka aynu maraynaa waa meel aad u halisa iyo dariiq aad u khatar
badan oo aan lagu badbaadaynin aakhiro iyo aduunyo midnaba marklaa waxa inoo haboon inaynu dib ugu laabano Xukunka Allaha wayn oo aynuka raadino caddaalad iyo sinaanta aynu maskaxaheena kaa raadinayno

Waayo///? isaga ayaa ina wada qancinaaya oo xaqeena iyo xuquuqdeenaba ilaalinaaya oo kitaabka Illaahay SWT wuxuu inoogu soo dejiyay inaynu ku dhaqano ku badbaadno aakhiro iyo aduunkaba sidaadaraadeed hadaynu jidkan siisocono khaldan kama badbaadayno halaag ee umadd ayahay bal aynu is badh qabano
Lasoco Q2AAD

W/Q Sacad Cali Kaahin Balaaki

Exit mobile version