|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxa Inoo Haboon Inaynu Kitaabka Ilaahay Isku Xukuno..Sacad Ali
September 22, 2015 - Written by Wariye:Waxa Inoo Haboon Inaynu Kitaabka Ilaahay Isku Xukuno..Sacad Ali Bismilaahi Waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista marka hore waxaynu nahay umadd islaama oo diinta islaamka ku abtirsata Markaa waxaynu nahay umudd loo soo saaray inay waxa wanaagsan is farto wixii xunna iska reebaan iska waaniyaan taasina waxa ilaahay inoogu sheegay kitaabka Qur.aanka Kariimka ah ee Mu-nasalka ah iyo nusuusta kale ee axaadiista ka sungaantay Rasuulkiinee Maxamadd CSW x-small;”> Markaa maanta markaad eegto halka aynu marayno oo wax walba la xalaashaday Sharciyada laysku xukumayaa dhamaantood waa qaar baaddila oo garab marsan Waayo? markaad aragto ama maqasho barlamaan hebel ayaa sharcigaa ansixiyay oo waa lama taabtaan ama waa maqaddis Waxay ku tusaysaa in laga tegay sharcigii iyo xukunkii Ilaahay oo dadka badhkood badh ay iyagu isku xukumayaan rabitaankooda iyo waxay doonaan waxaa ilaahay SWT ee uu inoo sheegay ina cid kasta oo wax ku xukunta xukun aan ahayn ka Illahay SWT inay Daalimmiin yihiin ama Kaafiriin amma faasiqiin Markaa maanta halka aynu maraynaa waa meel aad u halisa iyo dariiq aad u khatar Waayo///? isaga ayaa ina wada qancinaaya oo xaqeena iyo xuquuqdeenaba ilaalinaaya oo kitaabka Illaahay SWT wuxuu inoogu soo dejiyay inaynu ku dhaqano ku badbaadno aakhiro iyo aduunkaba sidaadaraadeed hadaynu jidkan siisocono khaldan kama badbaadayno halaag ee umadd ayahay bal aynu is badh qabano W/Q Sacad Cali Kaahin Balaaki COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|