WAJAALE NEWS

Waa Aduunyo !!! Qalinkii :Xuseen Siyaad Cilmi{mataan}

Maalmuhu kala duwan  waagii dilaacaaba waayihiisuu leeyahay sidaynu wada ognahayba “Dharaaruhu way kulmaan waktigu wuu dhalan rogmaa” dhabtii markaad sidaa wax u sheedaalisid ee aad meel fog wax ka eegto  waxa kuu muuqanaya waxyaabo aad layaabayso ama  kaafarxinaya dadka qaar waayaha iyo wakhtiguba waa uu haystaa oo warwar iyo walbahar ayaa ay cidlo la kuududaan iyagoo Alle {subxaanuhu watacaalaa} gacan ka sugaya oo is ilawsiinaya niyadoodana galinaya yididiilo samir Eebe , qaarkoodna waxay ku jiraan tamashle iyo barwaaqo aan dhanba haysan oo shirshir iyo dalxiisyo kala duwan ku jira nolosha dhabta ahan ka ddhacsan , Alla xumaa marka uu waayuhu iyo wakhtigu kula dagaalamayo waxaad ku jirtaa godmadoow oo aan cidna gacanta kuu fidinayn ,wakhtigan aynu ku jirno qofaan aduun hayn waxba looma  aha oo xataa wax dhacda inaan hoosba loo eeginba sida aynu dhamaanteenba kawar qabno,

Hadaba Yaasiin waa nin aan wax aduuna reerkoodu gacanta ku hayn aabihii waa duq dhul yaal ah oo aan muddo sanado ah ka soo bixin gurigiisa xanuun dartiis ,waxa xaafada la daalaa dhacda Hooyo Yusur oo intii uu odaygu dhulka yaalay kolba la kaca ku faysay siday u heli lahayd nolol maal meedkooda ,Yaasiin jidh naxaaba kumayaalo waa nin isagoo yar bartay balwadda kana faa’idaystay ituu odaygu dhul yaalka ahaa, kama warwaro dhibka ama nolosha ay xaafadoodu ku nooshahay marka uu maalin oo dhan bacadka soo meeraysto mar Ala markuu ka soo galo kadinka albaabka reerka ayuu cago juglayn iyo aflagaado ku bilaabaa  ,waa curad reer u weyn oo hooyo Yusur markay indhaha ka qaado beerka ayaa ya ka naxdaa waxa uu samaynayo marka aragto ,Hooyo waa beer oo iyadu waxba kama soo qaadee waa ay waanisaa bal inuu sidan uu dhaamo .

Yaasiin marka uu afka cuntada ka qaado waxa uu abaaraa albaabka guriga isagoo isla hadlaya waa loogu taag waayay inuu fadhiisto ama uu ku nasto guriga si baaris oomaarku uga dago  balse “nin meeli u cadahay meeli ka madow “ayaa ay soomaalidu ku maahmaahdaa ,sida uu u sii socdo waxa uu tagaa meeshii u caadada ahayd ee  xerro qaadka isagoon dhan kale jaleecin , waxa uu kudul wareegaystaa kolba kolay qaada isagoo ka hoos urursanaya garaabada ama caleenta qoyan ee hadhaaga qaadka  marka uu intaa helo waxa uu noqdaa mid dagan oo fadhiya, waxaanu  garaabadaa {qadka }dul fadhiyayaa ilaa saqda dhexe ee habeenkii ,hurdo wax layidhaa ismaba yaqaanaan subixiina  isagoo qaadiraysan ayaa hurdada lga kiciyaa,

Yaasiin dib u unoqosho mooyee ka soo rayn iyo isbadal toona male , waxa ilqoodha ka eegaysa hooyo Yusur oo iyadu jecel inuu mustaqbal wanaagsan uu yeesho nolosha xaafaddana uu dabaro si uu u nasiyo iyada,balse nasiib daro warba u mahayo waxay nolasha xaafadu ku sugantahay , waxay sidaa ahaataba Hooyo Yusur waxay go’aan ku gaadhay inay xidho oo uu ka nasto kana  raysto garaabadan iyo sigaarkan qayrkii kareebay waxaad moodaa markaad wajigiisa aragto inuu cimir dagdagay nadaafada jidhkiisana hadalba male isma dhaamaan isaga iyo kuwa xabagta gidaarada ku cabaa waxaad ku murmaysaa inuu xaafad ka soo tooso iyo inkale , waxa kuu muuqanaysa faaiidada uu leeyahay qaadku waxaana kuu cadaanaysa inuu dhibbta ugu weyn ee dhalinyaradeena naafeeyay maanta uu yahay qadku ,hooyo Yusur waxay jeelka ku tuurtusay Yaasiin halkaas ayaan wax loogu gaynayay muddo 6bilooda ka dib waxa kuimiday Yaasiin isadal weyn waxa uu noqday qof dagan oo ka nastay dhibkii balwada iyo meeraysigii bacdaka iyo waliba saama laylkii habeenkii oo dhami u dheer cunista qaadka , Yaasiin waxa laga soo saaray  jeelkii waxanu noqday mid ilaabay balwadii oo dhan, waxaaanu bilaabay cibaadadii imika salaad salaad kuma daro Yaasiin waxa ka muuqda isbadal weyn qofkii arkaana marka uu ka soo horbaxo waxa uu hoosta ka idhaahdaa maanshaa Allaah kuwa sheeda ka soo arkaana farta ayaa ay iskugu soo tilmaamaan ,Yaasiin waxa uu ka mid noqday dhalinyarada xaafada lagu soo xisaabtamo waalid walba oo ilmihiisa canaananayaa waxa u ilmihiisa ku canaantaa orod oo sheek Yaasiin ku dayo qayrkaa ka hadhe, waxay noqotay ma hadho isbadalkii iyodadaalkii uu sameeyay Yaasiin

Hooyo Yusur waa loogu hanbalyeeyaa sida uu noqday inankeedii islaan waliba oo jaarka ahi markay ay Hooyo Yusur markay maqashay sida loogu hanbalyaynayo waxay ilaahay {swc} ka barisaa inuu meel khayr qaba mariyo wax khayr qabana siiyo,Yaasiin  waxa uu bilabay inuu shaqaysto oo uu nasiyo Hooyo Yusur oo ahayd qof weyn una baahnayd in la nasiyo maadaama ay intii noloshiisa oo dhan ay soo korisay dhib iyo dheefba la soo martay  Yaasiin waxa uu shaqo ka helay haayad wadanka ka shaqaysa waxaanu ku filnaaday naftiisii iyo tii xaafaadaba ,Yaasiin waxay xaafadii ku noqotay mid ay ku rayso Hooyo Yusurna waxay ka nasatay shaqadii iyo hawshii kalida ay ku ahayd imikaa waa laga kala dagay oo waxay sheekada la faqdaa islaamaha ay jaarka latay waxa sheekadaa lawadaba waxa la kala kacaa salaada makhrib.

Hadaba waxay maalinba maalin u dhiibto wakhtiguna si xawliya uu isku jaro waatii la odhan jiray “wakhtigu intaanu ku jarin ayaa la jaraaye “ Yaasiin waxa uu noqday nin caana waxa uu ku dadaalaa sidii uu halka uu taagan yahay uga sii sareeyo ,hamigiisii waxa uu noqday mid sareeya  waxaanu caawiyaa oo uu gacanqabaa kuwa nolosha ka dhacay sidii uu ahaanjiray waxaanu ku waaniyaa inaanay nolasha ka dhicine ee ay dadaalaan si ay meel sare u gaadhaan oo ay  u yeeshaan hami iyo hiigsi fog.

Waa aroor hore waa abaaro 6:30 subaxnimo waa wakhtiga dadka oo dhami kalaho waxa wadada maray arday dirays kala duwan xidhan waxa sidoo kale wadada maray dad ku dagdagaya goobaha ay ka shaqaystaan haday tahay kuwa suuqa fadhiista ama kuwa xafiisyada taga, Yaasiin waxa uu socdaa wadada xaafadooda ka timada waana dariiqa uu maro aroor walba oo uu shaqada u kalaho waxa uu wataa gaadhi cad oo {vx} waana lanbarkii ugu danbeeyay waxa uu ku labisan yahay suut madaw sidoo kale waxa uu indhaha ku xidhan yahay muraayad madaw wax la moodaa wasiir ,waa nin xarago badan qofkii arkaana uu salaan ku boobo, maaha dadka kibra marka uu Alle wax siiyo ,hore waxa uu ahaa iyo sida uu maanta  yahayna waa kaaf iyo kala dheeri markii uu cabaar soo socday ayaa waxa uu indhaha qac ku siiyaya gabadha socota wadada uu marayay giftinkeeda waxa uujoojiyay gaadhiga uu watay waxa uu cabaar eegay quruxda Alle ku manaystay waxba iskumuu mashquulin ee waa uu iska dhaqaaqay ,Yaasiin markii uu shaqdii ka soo rawaxay ee uu iska hoyday ayaa waxa maskaxdiisa ka bixi wayday gabadhii uu arkay maanta mana garanyo meel uu u raaco iiyo cid uu ugu hagaago waxay maskaxdiisa ku soo noqnoqo taba waxa uu arkay maalmo kadib iyadoo hakii maalinkii hore maraysa waxa uu damcay inuu lahadlo oo uu waxa uu istaajiyay gaadhigii dabadeed inta uu ka dagay ayaa uu lahadlay waanu salaamay ka dib intay u istagtay ayaa ay ka qaada ssalaantii waxay ku soo dhawaysay waji furan maaha wakhtgani wakhti lawada istaago oo lawada haasaawo balse qof waliba waxa uu ku socdaa dantiisa

Yaasiin inantii ayaa ayisbarteen waxaanay  kala qorteen lanbarkii waxayna  u balameen kulandanbe wixii intaa ka danbeeyay Yaasiin waxa uu bilaabbay inuu ka fakaro isagoo xafiiskiisaa fadhiya qalbigiisu waa uu maqan yahay balse wax fadhiya oo xaadira jismigiisii  waxa maalinkaas wixii ka danbeeyay ku furmay warwar iyo mawjado kale waxa uu lahadlay gabadhuu caashaqay Yaasiin waligii afka umuu kala furin gabadh wax jacayl layidhaana waa uu maqli jiray balse maanta waxa uu ogaaday ama uu xaqiiqsaday inuu jacaylku yahay wax dhabba , gabadhan uu ka dhex baxay Yaasiin waxa la yidhaahdaa Quman waa gabdh ilaahay u dhameeyay qurux waa gabadh midbakeedu cadaan yahay indho waa wayn oo cadcad iyo suniyaal madoowna leh waa gabadh waji furan oo marwalba farxadi ka muuqato  waana gabadh dhererkeedu meel dhexaad yahay mana buurna mana dhuubna qofkii arkaa Quman marna kama jeedsanaayo waa gabdh si fiican ay waalidiinteed u koriyeen waxa gayaan jecl ee aanay sheekaba ka gurin waa ay hadhbeeleen waxay wadataa hawsheeda danteedana dankale kuma darto  waxayna u shaqaysaa wasaarada qorshaynta qaranka oo ay ku jirto hablaha laga qadariyo ee xitiraamaka iyo qadarinta mudan

Markii uu Yaasiin wacay kama ay qaban Quman waayo waxay ahayd mashquul,Yaasiin iskumuu mashquulin maalinkii ay kulmeen maalintii ka danbaysay waxa uu tagay dalka ethopia halkaas oo uu u tagay hawlo shaqo waxa uu maqnaa dhawr bilood kadib markii uu soo noqday ee uu hawlihiisii soo dhamaystay waxa uu wacay Quman markii ay waxoogaa ay ay isla hadleen ayaa ay is waraysteen ka dibna waxay u sheegtay in laguursaday oo uu aabaheed uu siiyay nin ay saaxiib ahaayen waxa kale oo ay u sheegtay in hada ay kala tageen ninkii oo ay is fahmi waayeen nolosha qoyskuna waxay ku xidhantahay sidiisaba Isfahan , Yaasiin ayaa ka naxay waxa ku dhacay Quman ee la soo darsay Yaasiin waxa uu u sheegay sida uu ugu hanweynaa oo uu jeclaa inbadan sidoo kale waxay u sheegtay inay iyaduba ay diyaar u ahayd wax walba oo ay isla meeldhigi karayeen ,Yaasiin markii uu intaa ka maqlay Quman afkeeda ayaa uu farxay waxaanu go’aan ku kaadhay inuu fursadaa ka faaidaysto jaanisna uu u hayo wakhti xaadirkan .Quman iyo Yaasiin xidhiidhkoodii waxa uu noqday mid qoto dheer waxaanay go’aan sadeeninay reer dhistaan oo ay guri  cusub ay wada yagleelaan maalmo kadib Yaasiin waxa uu u soo geed fadhiistay Quman labadooduba waxay ku frax sanaayeen noloshan cusub ee ay galeen ,waxa dhacay aroos wacan oo la iisku wada arakay dadkii bulshada la ahaa Quman iyo Yaasiin waxa ay ku noqotay mahadho labadii qof ee iska hor imaadaa waxay kawada sheekaysanayeen Arooskaa wacdaraha ah ee soo maray dhamaan qoyskii ehelkii iyo qaraabadii ay ka dhasheen Quman iyo Yaasiin  ,wixii intaa ka danbeeyay Quman iyo Yaasiin waxay noloshooda ku qateen dalka dibadiisa waxaanay hada laba hablood oo mataano ah ku leeyihiin dalka chaina oo ay dageen ,” hadaba dulucda sheekadani maxay tahay in qofku naftiisa uu qaban karo inta uu dhawyahay isagoo waliba dadaal iyo karti ku daraya Allena tala saaranayo ,waxa isaydiin leh goormay dhici kartaa ee aad samaynkartaa waa marka ay naftaada ka soo godo “

 

Dhamaad

Guul inshaa Allaah ayaan rajaynayaa

waanad salaamantihiin dhamaan bahda himilo

Exit mobile version