Qaramada Midoobay Oo Saadaalinaysa In Colaadda Suuriya Oo Sii Socotaa Yurub Ku Keenayso Qaxoonti La Mid Ah Kii Dagaalkii Labaad Ee Dunida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Saadaalinaysa In Colaadda Suuriya Oo Sii Socotaa Yurub Ku Keenayso Qaxoonti La Mid Ah Kii Dagaalkii Labaad Ee Dunida
September 13, 2015 - Written by Editor:

Dimishiq (Wajaalenews)  Qaramada Midoobay ayaa waxa ay qiyaastay in inka badan hal milyan oo qof ay ku barakici doonaan gudaha waddanka Suuriya dhammaadka sanadkan haddii uu sii xumaado dagaalka halkaasi ka socda.

qaramada midoobay

Xidhiidhiyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee halkaasi, Yacquub El-xuluw, ayaa waxa uu ka digay in muwaadiniinta Suuriya ee qaxaysa ay suuragal tahay in ay sii wadaan in ay isku dayaan in ay gaadhaan Yurub bilaha soo socda.

Mr El-xuluw, waxa uu sheegay in dagaalka ka soconaya gudaha waddanka Suuriya uu mar horaba sanadkan barakiciyay in ka badan hal milyan oo qof.

Waxa uu rumeysan yahay in haddii ay collaadu cirka isku sii shareerto ay milyan qof oo kale ay khasab ku noqon doonto in ay guryahooda ka qaxaan dhammaadka sanadka.

Wax uu sheegay haddii aanan la joojin dhiigga ku qubanaya dalkaasi in qulqulka Suuriyaiinta uu sii socon doono, Yurubna ay wajihi doonto xaalad qaxooti oo la mid ah middii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Yacqub El-xuluw, ayaa sidoo kale ku baaqay in gacan la siiyo dhowr barnaamij oo gargaar ah oo ay soo wajahday gabaabsi dhanka maaliyadda ah, barnaamijyadaasi oo la isku dayayo in Suuriyiinta lagu sii hayo dalkooda meelkasta oo ay suuragal tahay.

 

COMMENTS
LINKS