|
|||||
WAJAALE NEWS
Muuqaalada Iyo Fariinta Uu Xambaarsanaa SHirkii Jaraa,id Ee Gudoomiye Muuse Biixi.
September 30, 2015 - Written by Editor:Maxay Xambaarsanayd Fariintii uu Gudoomiye Muuse Biixi u Gudbiyay Shacabka S/land Imisa Jawaabood Oo Madaxwayne Siiraanyo Laga Sugayay Ayuuse ka furtay. HARGAYSA(Wajaalenews) Waagii baryaaba waayo lehe waa maalin Salaasa ah oo Taariikhdu tahay 22/9/2015 waxaan sidii caadadu ahayd u toosay gudashada waajibaadkayga ee shaqo ee Suxufinimo waxaanan ka mid noqday koox wariyayaal ah oo Qasriga Madaxtooyada S/land u tagtay si ay u baahiso Shirka Jaraaid oo si wadajira u wada qabanayaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo Madaxwayne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici Jawiga madasha ayaa ahaa mid xasuustiisa leh oo Araga iyo Maqalkaba ku cusbaa waana markii koowaad oo shaqo Qasriga Madaxtooyada S/land ka socota aanay ka dhex muuqan Golaha Wasiirada Madaxwayne Siiraanyo
Waxaase iswaydiin mudan muxuu daaraa maxayse xambaarsanayd Fariintii uu Gudoomiye Muuse Biixi u gudbiyay Shacabka S/land imisa Jawaabood oo Madaxwayne Siiraanyo laga sugayay ayuuse Gudoomiye Muuse Biixi ka furtay Ugu horaynse waxaa iswaydiin mudan Ma u rumoobi doontaa Gudoomiye Muuse Biixi Waqtigaa uu cayimay ee qabashada Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kukmiye oo sida uu sheegay Madaxwayne ku xigeenku Xeerka Xisbiga Kulmiye Awood u siinayo in uu Gudoomiyuhu mudada cayimo Waa Barito iyo Bil danbe waan ka war sugaynaa in ay sidii lagu yaqaanay mar kale dib u dhaco Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo inuu qabsoomo waqtiga Gudoomiye Muuse Biixi cayimay ee ah 10/11/2015 Sidoo kale waxuu Gudoomiye Muuse Biixi Weedho dheeldheela oo tilmaamaya in uu raali ka yahay ka yidhi wareejinta Haamaha Kaydka SHidaalka oo khilaafkii ka dhashay buuq ka abuuray Gacan ka hadal ka gaadhay SHir gudoonka Golaha Wakiilada Sidoo kale waxuu Gudoomiye Muuse Biixii ku bakhaylay in uu ka hadlo xadhiga Suldaan Mawliid Sabayse oo gaf iyo meel ka dhac ku ah milgaha dhaqanka Dadka ka faalooda arimaha Siyaasada ayaa ku macneeyay in Shirka Jaraaid ee Gudoomiye Muuse Biixi ujeedadiisu ahayd mid lagu jihaynayo Bulsho waynta S/land iyadoo la marin habaabinayo Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Aqalka Golaha Wakiilada S/land Guntii iyo Gabagabadii waxaa Maanka iyo Maskaxda Bulsho waynta S/land mudo badan ka bixi doonin Jawaabtii Madaxwayne Siiraanyo laga sugayay ee Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis SUL Maxamad SUL Xirsi Qani ka waydiiyay in uu ka Jawaab mugleh ka bixiyo Boobkii ee Hogaaminta Golaha Wakiilada ku qabsaday Gudoomiye ku xigeenka Baashe isagoo Gudoomiye Ciro goob Jooga waxaase xasuus gaara mudan Gudoomiye Muuse Biixi oo Jawaabtii laga sugayay Madaxwayne Siiraanyo isagu ka furtay isagoo Suldaanka ku tilmaamay Qoor waynta taageerayaasha Xisbiga Wadani balse waxaa iswaydiin mudan ma qancin doontaa Suldaan Maxamad Xirsi Qani iyo Bulsho waynta S/land waxaanse faalada idinkusoo afmeerayaa Maanaso aan ku tilmaami doono Xeeladaha ku qarsoon shirka Jaraaid Gudoomiye Muuse Biixi Murti weeyi culusoo Madaxwayne curiyoo Ha cabiro kaskiisee Waxuu yidhi cawaalow Casribaa la joogaa Cirka sare la gaadhoo Cakiskay ku darartaa Cawajkaan u taliyaa Mar kastoo culaysiyo Cabsi badan dareemoo Xisbiyadan canaadka ah Canaantoodu badatoo Cudud ay is moodaan Badi kama cadhoodee Dadka waan cameeyaa Ciyaarbaan bilaabaa Cimri dhererka keentoo Cilmi waayo aragoo Calooshaa ku haystaan Cashar qudha ka bixiyaa Ninka madaxda cariyee Ii sheegta ciidiyo Ciidankaan u yeedhaa Ilayn waan colkaygee Badi waan casuumaa Cawyskaanu kulanaa Cabashaan dhagaystaa Cuqdadaan ka saaraa Cudurdaar ma bixiyee Cafisbaan u fidiyaa Caleenbaan ku daadshaa Caashaqbaan ku beeraa Caqligaan la yeeshaa Wasiiradii cidhiidhshee Ciladoodhan galiyee Mudo aan ku caawiyay Kama caydhsho xilalkii Cufka waan ku daayaa Maalmaan ku ciiraa Isaguna cawaalow Caabintuu ku wacanyoo Mucaaradkuu cadaadshaa Cadliguu darjiidhaa Colaadbuu samaystaa Ciro wuu duqeeyaa Cidkastoo dhawaaqdana Caguhuu dul mariyaa. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|